The words you are searching are inside this book. To get more targeted content, please make full-text search by clicking here.
Discover the best professional documents and content resources in AnyFlip Document Base.
Search
Published by hayaanmagazine1, 2018-12-25 15:07:55

Document (5)_Neat

QORAALO KOOBAN

IS-XISAABTINTA , TAWBADA IYO WEY-DIISHADA DEMBI-DHAAF-KA ( AAYADO)

1. Xisaabinta qofku xisaabinayo camaladiisa , waxay ka mid tahay talooyinka uu ALLE siiyay dadka
rumeeyay.

2.Tawbadu waa wada guusha.


3..ALLE waxa uu inoo sheegay inuu tawbadeena aqbalayo.


3.Astaamaha ay nabiyadu wadaagi jireen waxa ka mid ahayd inay Rabbigood u soo noqon jireen,
dembi-dhaafna weydiisan jireen.


4.Tawbada iyo weydiisashada Alle Dembi-dhaaf waxay ka mid tahay arrimaha la faray Rasuulkeena.


5.Laba shay oo ummadan lagaga badbaadiyay cadaabka ayay tawbada iyo weydiisashada dembi-
dhaafku ka mid yihiin.

6. Quraanka markasta oo camal wanaagsan in aynu samaynayo la inagu dhiirigeliyo. Waxa ku xiga
amar toos ah oo leh Rabbiigeen weydiista dembi-dhaaf markaad camal-kaas dhamaystirtan.
Taas oo macnaheedu yahay sidii la rabay ulama iman kartaane , gaabiskaa idinka dhacay ku kaba
weydiisashada dembi-dhaaf.
Tusaale salaada.

7. Weydiisashada Dembi-dhaafku waa camalka ugu haboon ee la qabto xilliyada dambe ee
habeenka.



MAHADNAQA ( AAYADO)


1. Xeeladaha uu isticmaalayo sheydaanku si uu inooga lumiyo jidka toosan waxa ka mid ah inuu
inaga horistaago ku mahadnaqa galadaha EEBE.

2. Mahadnaqu waxa uu ka mid yahay arrimaha la faray nebiyada sida Nabi Daaud , Suleyman iyo.
Muxamed


3. Surada Alfatixa waxay ku bilaabmeysaa Mahadnaqa ALLE . Taas oo ah cashar uu ALLE inagu barayo
inaynu u mahadnaqno.


4. Ammniga iyo Risqigu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu mudan ee ay tahay inay dadku ku
mahadnaqaan. Hababka ay mahadnaqaas ku muujin karaan waxa ka mid ah inay cibaado la
yimaadaan. Waana taladii uu ALLE siiyay reer Qureysh.

5. Fadliga uu leeyahay mahadnaqu waxa ka mid ah inay inaga ilaalinayso cadaabka ALLE.








SABIRKA IYO CAFINTA (AAYADO)


1. Sabirku waxa uu ka mid yahay dardaaranada uu ALLE siiyay dadka rumeeyay.

2. Fadliga sabirka waxa ka mid ah in dadka sabra ALLE jecelyahay.


3. Sabirku waa wadada jannada.


4. Fadligiisa waxa ka mid ah in Nabi Ayuub lagu amaanay.


5. Hadaad dooneyso in ALLE ku cafiyo , adigu cafi oo iska dhaaf khaladada dadku kaa galaan ; kuna
dayo Rabbigaaga naxariista iyo dembi-dhaafka badan ku sifaysan.








AAYADO GUUD


1. Gabadhii Fircoon waxay Rabbiggeed weydiisatay inuu guri uga dhiso agtiisa oo ay jaar la noqoto ,
ka hor intaanay weydiisan janno.


2. Nabi MUUSE markii uu ka tagay Madyan ee uu u socday Masar. Ayaa waxa uu ka ambaday
wadadii. Kadib waxa uu arkay dab meel ka baxaya , markaasuu ku yidhi ehelkiisii halkaan igu sii suga
. Waxaan meeshaas uu dabku ka baxayo inooga soo qaadi qori aynu dab ka shidano ama waxaan
inoo soo weydiin wadada saxda ahe.
Nabi Muuse waxa uu ku talogalay inuu helayo labadaas balse waxa uu helay mid ka weyn labadaas-
ba : Nebinimo.

3. Markii uu helay dheeraadkaas aanu filanaynin , waxyaabihii ugu horeeyay ee la faray waxa ka mid
ahayd inuu oogo salaada.

4. Sababihii uu Nebi Muuse Rabbigii u weydiistay inuu walaalkii la qeybsado shaqada Nebinimada ,

waxa ka mid ahaa si ay u xusaan Rabbiggood uguna tasbiixsadaan in badan.

5. Waxyaabihii la faray Nebi Muxamed waxa ka mid ahayd inuu xuso Rabbigii. Iskana ilaaliyo inuu ka
mid noqdo kuwa moogan ee ilaabay xuska Rabbigood.

6. Waxyaabihii la faray Nebi muxamed waxa ka mid ahayd inuu dadka u bushaareeyo. Waliba gaar
ahaan dadka tilmaamahan leh:
Dadka rumeeyay ,
dadka sabirka badan ,
dadka sama-falayaasha ,
dadka ALLAHOOD isu dhul-dhiga iyo adoomihiisa .

7. Shimbirka Hudhudku waxa uu sabab u ahaa inay Muslimaan ummadii saba iyo boqoradoodii.

8. Sixiroolayaashii Fircoon warkooda :
Subaxii waxay u soo jarmaadeen inay mushqaayad yar helaan , boqorkana ka ag-dhawaadaan.
Balse galabtii waxay heleen saddex ka qiimo badan :
Inay Rumeeyeen Rabbigood.
Inay dadka ugu yeedheen xagga Rabbigood.
Inay shuhado noqdeen.



9. Nabi Yuusuf markii Jeelka si xaq-darro ah loogu xidhay , waxa lala xidhay laba wiil oo dhalinyaro
ah.
Isaga oo shaqadiisii nebinimo wata ee ahayd inuu dadka Rabbiggod ugu yeedho , ayaa waxa uu uga
sii warami jiray cuntada loo keeni doono nooca ay noqon doonto inta aan loo keenin.
Isaga oo doonayay inuu kasbado kalsoonidooda iyo inay aaminaan ka hor inta aanu u soo bandhigin
fariinta uu Rabbigii ka sido.


10. Hadaad dooneyso in ALLE kuu hiiliyo u hiili diintiisa iyo dadka raacay diintiisa hab kasta oo aad
awoodo.



11. Ogsoonow hadaad tidhaahdo ama aad sheeganayso inaad rumeysay oo aad ka mid tahay kuwa
rumeeyay. Waxaad u diyaargarawda imtaxaano kala duwan oo lagu ogaan doono inay kaa dhab
tahay sheega-shadaasi. Waxa lagugu imtaxami doonaa arrimo badan sida farxad , murugo , cabsi ,
faqri, xanuun ,
Shahwad , gaalada oo aad moodo inay awood badan tay ; inaad aragto muslimka oo daciifay.
Imtaxaanadu wey tiro badan yihiin lamana soo koobi karo. Fariinta aayadu waxay tahay inaad u
diyaargarawdo imtaxaanadaas lagu tijaabinayo iimaankaaga.
AL CANKABUUT 2


12. Nebi Ibrahim dadkiisu waxay ku tilaameen wiil yar . Rabbigii waxa uu ku tilmaamay inuu u
dhigmo ummad dhan.

13. Nebi Nuux waxa ALLE u diray qoomkiisa si uu uga digo cadaabka ALLE ugana cabsadaan
Rabbigood si ay u helaan naxariistiisa.
Waxa uu waaninayay muddo gaadhaysa 950 sanno. Balse inay rumeeyaan iska daaye waxay
gaadheen heer ay ku dheel-dheelaan.
Sababta ay u diideen inay raacaana waxay ku sheegeen inay tahay raacida ay raaceen isaga dadka
dabaqada hoose ee bulshadu.





ALLE KA CABSI ( AAYADO)

1. Nabi Yaxye waxa Quraanku ku amaanay inuu ahaa mid ALLE -ka cabsada. Taas oo ina tusaysa
qiimaha ay leedahay ALLE-ka cabsigu.


2. Talooyinkii la siiyay Nebi Muxamed waxa ka mid ahayd inuu noqdo mid ALLAHII ka cabsada.


3. Soomku waxa uu ka mid yahay furayaasha lagu gaadhayo ALLE KA cabsiga.


4 . Dadka ALLE ka cabsi la yimaadaa waxay ka mid yihiin dadka uu ALLE jecel yahay.













DEEQSINIMO & WAX-BIXINTA. (AAYAD)

1. Fadliga ay leedahay wax-bixintu waxa ka mid ah inay sabab u noqon doonto in la imaanshaha
camalada wanaagsani ay arrin fudayd kuu noqon doonto.





WAXBARASHADA. (AAYAD)
1. Waxa keliya ee ALLE rasuulkiis Muxamed amray inuu ka baryo inuu u kordhiyo waa aqoonta.

AXAADIIS



1

هيلع الله ىلص يبنلا نع دوعسم نب رماع نع
.ءاتشلا يف موصلا :ةدرابلا ةمينغلا :لاق :ملسو

.ينابللأا هححص

Waa sunne in la soomo xilliga qaboobaha.
Maalinka ayaa gaabanaya , haraad badana ma dareemeysid. Dhulkuna waa qabaw.



2

)ىلاعت الله ركذ اوؤ ُ ر اذإ نيذلا ؛ةم لأا هذه نم الله دابع رايخ نإ :ﷺ الله لوسر لاق : تلاق ديزي تنب ءامسأ نع
درفملا بدلاا حيحص

Dadka ugu kheyrka badan ummadan waxaa ka mid ah dad marka la arko ALLE la xasuusto.


3.
) هل بنذ لا نمك بنذلا نم بئاتلا( : لاق ملسو هيلع الله ىلص الله لوسر نأ هنع الله يضر دوعسم نب الله دبع نع

ةجام نبا حيحص


Qofka dembigiisa ka tawbad keenaa waxa uu la mid yahay qof aan dembi lahayn.




4.
ُ
َ
َ
َ
ْ
ْ
َ
:َلاَقَف ، ؟لَض ْ فأ ِءاَعُّدلا ُّ يأ ! ِ َّ للَّا َّ يِبَن اَي : َلاَق , لاُج َ ر َّنأ ، ٍكِلا َ م ِ نْب ِ سَنأ نع" َتيِطْعأ اَذ ِ إَف،ِة َ ر ِ خلآا و اَيْنُّدلا يِف َةَيِفا َ علاو وْف َ علا َّ للَّا ِ لَس
َ
َ َ
َ
ْ
ْ
َ
َتْحَل ْ فأ ْدَقَف ِة َ ر ِ خلآاو اَيْنُّدلا يِف َةَيِفا َ علاو وْف َ علا"
َ َ
َ
درفملا بدلا ا

Nin ayaa nebiga u yimi markaasuu ku yidhi Nebi ALLAW duco tee baa u fiican?
Markaasuu ugu jawaabay:
ALLE weydiiso inuu ku nabad-gelyo kuna cafiyo. Hadaad labadaas hesho Aduun iyo Aakhiroba waad
aflaxday.

Odhaahda ( nabad-gelyo weydiiso waa kelmad koob-sanaysa wax-kasta oo qof-ka dhib ku ah hadday
tahay xanuun , dhibaato , balaayo , IWM.

Ducada ugu fiican
هرخلااو ءايندلا يف ةيفاعلاو وفعلا كلاسا ينا مهللا







5

ْ
ِّ
. ْ تُكْسَيلف مكُدحأ َ ب ِ ضَغ اذإو ، او ُ رِّ ِفَنُت َ لاو او ُ رِِّشبو ، اورِِّس َ عُت َ لاو اورِِّسيو ، اوُمِلع :ﷺ ىبنلا لاق
، ةحيحصلا ةلسلسلا


Rasuulku waxa uu yidhi DADAW:

Dadka wax bara.

fududeeya oo ha adkeynina.

bushaareya oo dadka ha eryina (cabsiinta ha ku badinina) .

Hadad cadhootaana ha hadlina.


6.

ِ
ِ
ِ

ِ
ْ ْ- فٍ اةل في ف فكتوفت فلا فنأ فتعطتسا فنإف ف، ف ِ قَ لفْلا فبر ِ ب فُ ذوعَأ فل ُ ق فَأرقت فنأ فنم فهدنع فغلبأ فلاو ف، فالله فلىإ ف َّ بحأ ف ً ٍ روس فَأرقت فنل فكَّنإ ف! ف رماع فنب فةبقع فيا
َ َ
ُ َ َ
َ
َ
َ ْ
َ َ
َ
ُ ْ
) فلعفاف
ْ
درأوملا حيح ص

Suuradaha uu ALLE ugu jecel yahay waxa ka mid ah suuratul FALAQ.


7.

ْ
َ
َّ
َّ
َ
ْ
َّ
: ملَسو ِهْيَلَع ُ الله ىل َ ص الله ُلوسر َلاَق" َّمُهللا : ِتا َ مِلَكلا ِءلاؤَه ْ زِنَتْكاَف َةَّضِفلاو َ بَه َّ ذلا اوزَنَتْكا ْدَق َ ساَّنلا َتْيأ َ ر اَذ ِ إ ، ٍ س ْ وأ َنْب داَّدَش اَي
َ
َ
َ
َّ
ْ
ُ َ َ
ْ
ُ َ َ
ُ َ َ
، ااقِدا َ ص ااناَسِلو ، ااميلَس اابلَق َكلأْسأو ، َك ِتَداَبِع َنْسُحو ، َكِت َ مْعِن َ رْكُش َكلأْسأو ، ِدْشُّرلا ىلَع َة َ مي ِ ز َ علاو ، ِ رْملأا يِف َتاَبثلا َكلأْسأ يِِّن ِ إ
َ
َ
َ
َ
َ
ُ َ َ
َ
َ
َ
ْ
ِبويُغلا ُ م َّ لاَع َتْنأو ، ُ مَلْعَت ا َ مِل َك ُ رِفْغَتْسأو ، ُ مَلْعَت ا َ م ِِّرَش ْ نِم َكِب ُ ذوُعأو ، ُ مَلْعَت ا َ م ِ رْيَخ ْ نِم َكلأْسأو"
َ
َ
َ
َ
ةحيحصلا ةلسلسلا

Nebigu saxaabigaas waxa uu ku yidhi : hadaad aragto dadka oo keydsanaya dahabka iyo qalinka , oo
macnaheedu yahay adduunyadu qiimo weyn la tahay ; adiguna keydso kelmadahan ( ducadan).

8

َ
ِ قيِِّد ِ ِّصلا ٍ رْكب يبأ نع
َ
ِّ
ْ ُ
َ
َّ
،َتْنأ َّ لا ِ إ َ بون ُّ ذلا رِفْغَي لاو ،ا ا ريِثك ااملظ يِسْفَن ُتْمَلَظ يِِّن ِ إ َّمهللا :ْلُق :َلاَق ،يتلا َ ص يف ِهِب وُعدأ اءاَعُد ينمِلَع :ﷺ َّ للَّا ِ لوس َ رِل َلاَق هَّنأ َ
َ
ْ
َ
مي ِ حَّرلا روفَغلا َتْنأ َكَّن ِ إ ،ينْمَحراو ،َكِدْنِع نِم اة َ رِفْغم يل رِفْغاَف
َ
.ِهيلع ٌقَفَّتم

Abuubakar ayaa rasuulka weydiistay inuu baro duco uu akhristo marka uu tukanayo: markaasuu ku
yidhi waxaad tidhaadaa :

ْ
َ
َ
ْ ُ
َّ
مي ِ حَّرلا روفَغلا َتْنأ َكَّن ِ إ ،ينْمَحراو ،َكِدْنِع نِم اة َ رِفْغم يل رِفْغاَف ،َتْنأ َّ لا ِ إ َ بون ُّ ذلا رِفْغَي لاو ،ا ا ريِثك ااملظ يِسْفَن ُتْمَلَظ يِِّن ِ إ َّمهللا
َ
َ

xadiiskani waxa uu ina tusaya sida uu rasuulku wax u bari jiray cida weydiisata inuu wax baro.


9.
,الله لوسر اي :لاقف ,حارجلا نب ةديبع وبأ انعمو ,ملسو هيلع الله ىلص الله لوسر عم انيدغت :لاق - هنع الله يضر - ةعمج يبأ نع
!!!.)ينوري ملو يب نونمؤي ,مكدعب نم نونوكي موق ,معن :لاق ,كعم اندهاجو انملسأ ؟انم ريخ انم دحأ
.دمحا هاور

Abi Jumca waxa uu yidhi : maalin ayaanu la qadeynay nebiga , waxaana nagu jiray ABU CUBAYDA
IBNU JARAX , markaasu nebiga weydiiyay Rasuul ALLAW ma jiraan duul ama dad naga kheyr badnaan
doonaa , waayo anagu waanu islaamnay kulana jihaadbay?
Markaasuu rasuulku ugu jawaabay ‘haa’ waxa iman doona duul idinka kheyr badan oo i rumeyn
doonaa iyaga oo aan i arag!



10
قلخي امك مكدحأ فوج يف قلخيل ناميلإا نإ : - ملسو هيلع الله ىلص - الله لوسر لاق :لاق - امهنع الله يضر - ورمع نب الله دبع نع
مكبولق يف ناميلإا ددجي نأ الله اولأساف ،بوثلا
:ريبكلا مجعملا يف يناربطلا هاور[

انبولق يف ناميلاا ددج مهللا

Rasuulku waxay uu yidhi Iimaankunwaa baaliyoobaa sida dharkiinu u baaliyoobaan.
Markaas si uu idiinku soo cusboonaado markasta ALLE weydiista inuu idiin cusbooneysiiyo.

Waxa baali ka dhiga qalbiga dembiyada kala duwan. Waxaana cusbooneysiiya weydiisashada ALLE
dembi-dhaaf iyo ducada ki jirta xadiiskan.

MA RABTAA IN LAGUU DEMBI-DHAAFO DRMBIYA-DAADA INTAANAD SEEXAN KA HOR ? AKHRISO
DUCADAN


:هشارف ىلإ يوأي نيح لاق نم :لاق ملسو هيلع الله ىلص يبنلا نع ـ هنع الله يضر ةريره يبأ نع
،ريدق ءيش لك ىلع وهو دمحلا هلو كلملا هل ،هل كيرش لا هدحو الله لاإ هلإ لا
،للهاب لاإ ةوق لاو لوح لا
.)رحبلا دبز لثم ناك نإو ـ رعسم كش ـ هاياطخ وأ هبونذ الله رفغ( ،ربكأ اللهو ،الله لاإ هلإ لاو ،لله دمحلاو ،الله ناحبس
نابح نبا حيحص



MA RABTAA INAAD ALLE U MAHADNAQDO MAHAD-NAQA UGU DHAMAYSTIRAN MARKAAD SII
SEEXANAYSO?


َ
:هشارف ىلإ ىوأ اذإ لاق نم ( : ملسو هيلع الله ىلص الله لوسر لاق : لاق كلام نب سنأ نع
.يناوآو ينافك يذلا لله دمحلا
.يناقسو ينمعطأ يذلا لله دمحلا
) ِ قلخلا ِدماحم عيمجب الله َدِمَح ْدقف( ؛راِّنلا نم ينَي ِِّجَنُت ْ نأ كت َّ زعب كلأسأ يِ ِّنإ !مهللا ،َلضفأو َّ يلع َّن َ م يذلا لله دمحلا

3444 ةحيحصلا ةلسلسلا

XIKMADO & XAQIIQOOYIN

:الله همحر هيميت نبا لاق
.هبلقل هحلاصو هتبساحمو هركفتو هتلاصو هركذو هئاعد يف هسفنل اهيف درفني تاقوا نم دبعلل دبلا


Waxa fiican inuu qofku lahaado wakhti uu naftiisa la keli noqdo : oo uu ku qaato wakhtigaasi arrimo
ay ka mid yihiin: xisaabinta naftiisa iyo toosinta qalbigiisa.



:الله همحر هيميت_نبا_مكح_نم

.قلخلا عفن سمِّشلا هيف ُعلطت موي ِّ ِ لك يف يونيلفرايخلأاب هِّبشتيو راربلأا ةجردب قحلي نأ َّبحأ نم

Hadaad dooneyso inaad gaadho derajada dadkii wanaagsanaa , sidoo kalena dooneyso inaad ku
deyato dadkii wanaagsanaa ; niyayso oo ku dedaal wax-tarista bulshada maalinkasta oo cadceedi
soo baxdo.


: )امهنع الله يضر( سابع نبا لاق
؟نآرقلا نم تايآ ثلاث أرقي نأ هشارف ىلع أكتاف هتجاح نم وأ هقوس نم عجر اذإ مكدحأ عنمي ام

IBNU CABAAS WAXA UU YIDHI:
Maxay yeeleysaa qofka haddii marka uu hawlihiisa dhamaysto ama marka uu sii seexanayno uu
akhriyo saddex aayadood ?


:الله همحر ميق نبا لاق
.نارقلا ةءارق نم عفنا طق ءاود بولقلا ءافشل سيل

Cidii rabta inuu caafimaado qalbigoodu .
Dawo uga waxtar badani ma jirto quraanka.




:الله همحر زاب نبا لاق

.نيليو هبلق بيطي رارشلااو نيلفاغلا ةبحص نع دعبلاو رايخلاا ةبحصو نارقلا ةءارقو الله ركذب هتقو ظفح نم


joogteeynta dikriga iyo akhrinta quraanku waxay ka mid tahay waxyaabaha qalbiga jilciya.

ةلزعلاو ، رافغتسلاا ةرثكو ، ناسللا نجسب : ثلاثب نوصاوتي راربلأا ناك
رانيد نب كلام

Dadkii wanaagsanaa waxay iskula dardaarmi jireen saddex: Ilaalinta carabka , badinta tawbada iyo
inaad yeelato wakhti aad bulshada ka yara dhex baxdo.


Ka soo qaad qof-baa waxa uu la silcayay dhibta ay leedahay la imaanshaha wanaagyada. Balse
muddo kadib waa uu macaan-sanayaa ilaa uu jeclaado. Kadib waxa ALLE ugu gar-gaarayaa malaaig
naftiisa ku riixada la imaanshaha kheyrka. Oo xitaa u toosin doona kheyrka!

#IBNU_QAYYIM.




Nin baa ABI XASIM ku yidhi niyaw horta diinta maxaad isugu adkeysaa?Markaasuu ugu jawaabay oo
maxaan isugu adkeyn waayay waxaan leeyahay 14 cadaw oo midkasta diyaar u yahay inuu I halaago.
1.Shaydan I fitneynaya.
2.Mumin I xaasidaya
3.Gaal ila dagaalamaya.
4.Munaafaq i neceb.
5. Gaajo.
6. Haraad.
7.Qabaw.
8. Kuleyl.
9. Qaawanan.( dhar la’aan)
10. Faqri.
11. Xanuun
12. Gabaw.
13. Geeri.
14. Naar.
Intaas mid ka mid ahna iskama ilaalin karo ilaa aan diyaarsado hub dhamaystiran oo ah ALLE ka
cabsi.







: الله همحر ميقلا نبا لاق
" ﷺ يبنلا ىلع ةلاصلا نم رثكُيلف تانسحلا نم نئازخ اهيف هيناث لك .. هعمجلا برغم ىلإ سيمخلا موي برغم نم

Laga bilaabo cadceed dhaca maalinta khamiista ilaa laga gaadhayo gabal dhaca maalinta jimcaha.
Ilbi-dhiqsi kasta waxaad ka heli kartaa ajar aad u fara badan. Keliya ku sali nebiga.

XAQIIQOOYIN

1. maalintu waa : 1440 daqiiqo.
Akhrinta juz quraan ahi keliya waxay u baahan tahay 20 daqiiqo.

2.Mar-kaliya oo Quraanka lagu dhamayso akhris waxa lagu helayaa ajar ka badan 3 milyon.

3.Waxa jira dad badan oo maalin-kasta seega ajar ka badan (19,000) xasano! Tirada kor ku xusani
waa : qiyaas ahaan ajarka laga heli karo akhrinta #faatixada shanta salaadood. #SALAADA.



:الله همحر يزوجلا نبا لاق
.ملعلا رشنيلف هتوم دعب هلمع عطقني لا نأ بحأ نم

Si aanu camalkaagu u joogsan geeridaada kadib ,joogtee fidinta cilmiga iyo waxkasta oo faaido u ah
bulshada.


:الله همحر ىدعسلا ماملاا لاق
.ةمتاخلا هل نسحي ناو هناميا تيبثت يف هبر ىلع امئاد حلي نا دبعلل يغبني

Waxa laga maarmaan ah in addoonku Rabbigii weydiisto kana baryo wakhti kasta inuu iimankiisa
sugo , khatumadana kheyr ugu khatimo.







@2018


Xigasho.

https://mobile.twitter.com/almonajjid

https://mobile.twitter.com/MohamadAlarefe

https://mobile.twitter.com/haamg2
https://m.facebook.com/hotaybah/?tsid=0.942498572001434&source=result

ءايلولاا ةيلح رصتخ م


Click to View FlipBook Version