The words you are searching are inside this book. To get more targeted content, please make full-text search by clicking here.
Discover the best professional documents and content resources in AnyFlip Document Base.
Search
Published by , 2018-10-30 10:20:28

Articles 17.18

Articles 17.18

( ku-sabrida salaada ) iyo Ilaalinta xubnaha (ka-sabrida xad-gudubka)

Su’aalaha Dulqaadka

 Ma jirtaa cid igu xad-gudubtay maanta ? Hadday jirto maxay ahayd
sababtii keentay inay igu xad-gudbaan ( su’aashani waxaad ku ogaanaysaa
in sababta xad-gudubkaa keentay ay sabab u ahayd adigu iyo in-kale?
 Sidee ayaan dareemayay wakhtigaas ? Tusaale wad cadhootay.
 Nooca xad-gudubku ma ahaa mid ku haboonaa in loo dulqaato ama la
cafiyo?
 Sidee ayaan maalmaha dambe ugu hor-tagi kara inay dhibtani dhacdo ?
Sidoo kalena sidee ayaan qofkan igu xad-gudbay ama iga cadhaysiiyay uga
ilaalin karaa mustaqbalka inuu dambigani ka dhaco oo aanu soomkiisa wax
u yeelin ? Tusaale qiimeynta xaaladaha keenay inuu ku dhaco fal-kaas.

Su’aasha cafinta
 Ma jira cid aan wax colaad ama cadho u hore ugu hayay?

Su’aalaha ku xusan qodobkani intan way ka yaraan karaan , in laga
jawaabana waa mid ku xidhan baahida loo qabo. Waxa sidoo kale xusid
mudan in keliya ay ina-gaga filan tahay su’aasha ugu dambaysaa . Balse
nafta oo jecel inay hesho xaqeeda ayaan u raaciyay su’aalahan kale. Waayo
waxa si fudud qof u saamixi kara cid ALLE u garan-siiyay fadliga uu
leeyahay cafintu , dabadeena uu waafajiyay.

Gunaanadka maqaalka waxaynu ku soo koobaynaa in fadliga soomka waxa
ka mid ah inuu ka nadiifiyo qalbiga kana sifeeyo xanuun fara badan oo ay
culimadu ka tilmaamaaan calool-ku sid-ka , nacaybka , xasadka , cuqdada ,
cadhada iyo was-waaska. Sida cad xadiiska
( Al BAZAR 688) .
)‫صوم شهر الصبر وثلاثة أيام من كل شهر يذهبن بوحر الصدر‬

Sidoo kalena waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada duceeyo
walaalaheena Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA dambi
dhaaf loo weydiiyo intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan fursad u
helin inay ka qeyb qaataan bishan barakaysan.

Maqaalka qormadan saddexaad waxaynu ku soo qaadan doonaa
mahadnaqa. Sida aynu ku soo sheegnay qaybtii hore culimadu Islaamka
waxay u qeybiyaan laba : sabir iyo mahadnaq. Sabirka waxynu ku soo
qaadnay qeybtii hore , qormadana waxaynu ku eegi doonaa mahadnaqa.

3. MAHADNAQA

Ugu horeyn mahadnaqu waxaynu ku tilmaami karnaa waa u mahadnaqa
EEBE dheefaha kala duwan ee uu ina waafajiyay iyo sidoo kale
dhibaatooyinka ama gefaf-ka uu inaga ilaaliyay inay inagu dhacaaan ama
inaga dhacaan. Sidaas darteed cibaadada mahadnaqu waa mid aan ka
maqneyn cibaado kasta oo aynu la nimaadno ama dheef-kasta oo ALLE
inagu manaystay. Tusaale kooban , qorista maqaalkan iyo baahintiisa in aan
fursad u helay waa mid ALLE i waafajiyay oo u baahan mahad-naq. Sidoo
kale akhrinta uu qof akhriyi doono , iyaduna waa mid ka timi waafajinta
ALLE ; taas oo iyaduna u baahan mahad-naq. Faa’idooyinka mahadnaqa
waxa ka mid ah inuu yahay ku dayasho dhaqankii AMBIYADA ( AL NAML
15 ) iyo inuu sabab u noqon doono inay nimcooyinku inuu siyaadaan kuwii
horena inoo sugmaan.
Culimadu markay ka hadlayaan kelmada ALHAMDULIAH , waxay
yidhaahdaan : wanaag kasta ama dheef-kasta oo aad hesho , waxa ka kheyr
badan kelmadan hadii aad xasuusato inaad ku dhawaaqdo xilligaas , qirtana
in cida dheeraadkan ama kheyr-kan ku siisay-na ay tahay ALLE. Waayo
kelmadani waa mid ajar-aad ka helayso , waxaanay ka mid tahay afarta
kelmadood ee ALLE ugu jecel yahay.

Qodobkan waxa aynu u isticmaali karnaa saddex siyaabood:
 In aynu ugu mahadnaqno hadal , abaalmarin iyo duco qof-ka wanaag inoo
qabta. Ciwaankani waxa uu la xidhiidhaa cid-kasta oo inagu hareeraysan oo
wanaag inoo qabata. Tusaale ahaan dumarkeena diyaarinta afurka wakhti
badan ku qaata , dadka aynu wada shaqayno iyo cidkasta oo aynu la kulano
nolol maal-meedkeena oo inoo samafasha. Waxa kale oo ka mid ah u
ducaynta ama abaalmarinta culimadeena kala duwan ee cilmiga inoo soo
gudbinaya bisha Ramadan.
Ciwaankan waxa aynu u isticmaali doona in aynu si feejig-naani ku jirto uga
fiirino nolol maal-meed keena dad-kasta oo aynu ognahay ama la kulano ,
oo hawl wax-tar leh bulshada u haya iyo dad hawl inoo qabtay. Dabadeeto
aynu mid-kasta ugu abaal-gudno saddexdan mid : hadal ugu mahadnaqno.
Tusaale ahaan sida inaynu ku nidhaahdo waad ku mahadsan tahay hawsha
aad noo qabanayso ama aad ii qabatay.
in aynu ugu abaal-gudno lacag , cunno siin , IWM.
Haddi kalena aynu ALLE marka aynu ducaysanayno iyagana uga barino
inoo ka abaalmariyo wanaagay inoo qabteen.

 Habka labaad ee aynu ku muujin karno cibaadada mahadnaqa ayaa ah in
aynu ALLE ugu mahad-naqno inuu inaga badbaadiyay ama inaga ilaaliyay
inaynu ka mid noqono dadka bishan barakaysan wakhtigooda qaaliga ah ku
luminaya waxyaabo aan faa’ido u lahayn . Tusaale ahaan waxaad arki kartaa
bishan dad dayaca salaada ama aan soominba. Sidoo kale dad wakhtigooda
ku luminaya ciyaaro kala duwan , qaar maqaaxiyo ama balwado kala duwan
ku qaadanaya habeenkii ; qaar kale oo filimo ama baraha bulshada wakhti
badan ku qaadanaya , IWM.
Sidaas darteed in aad adigu tahay ugu yaraan qof ALLE ku manaystay inuu
noqdo qof ku dedaala ama isku daya inuu ka faa’idaysto wakhtigiisa bishan ,
waa nicmo u baahan in ALLE loogu mahadnaqo. Sidaas darteed markasta
oo aynu aragno qof wakhtigiisa ku qaadanaya bishan barakaysan arrimo aan
wanaagsanayn sida cayda , beenta , xad-gudubka ; kana gaabiyay
waajibaadkii bishan kuna dhacaya dembiyo kala duwan . Waa inaynu isku
deynaa inaynu la talino oo aynaa xaaladaa kaga tagin haddaynu awoodno.
Haddi kalena aynu ALLE uga barino inuu xaqa iyo kheyrka waafajiyo ,
inaguna u helno ajar dheeraad ah. Waayo hadaad la taliso waxaad la timi
cibaado weyn oo uu nabigu SCW ku sheegay inay diin-tuba ku dhisan tahay
)‫الدين النصيحه‬
Sidoo kale hadaynu u ducayno waxaynu heli doonaa in MALAG ducadaas
AAMIN u yidhaahdo ALLENA uu inoo weydiinayo inuu ina siiyo inagama
waxaynu qofkaas ugu ducaynay.

 In aynu ALLE ugu mahadnaqno waxa wanaag iyo dheef ee uu ina
waafajiyay. Marka hore qof kastaa waxa uu rajaynayaa ama qorshaystay
inuu camalo kala duwan ku qaabilo bishan Rammaddan. Sidaas darteed
markasta oo uu camal uu qorsheystay uu la yimaado , ama uu sidii uu
filayay si ka fiican ula yimaado , ama qaar aanu qorshayn la waafajiyo . Waa
qaar iyaguna u baahan mahad-naq.
Inaga oo la iman karna mahad-naqaas markaynu ku guda jirno camalkaas ,
camalka ka dib , iyo marka aynu habeenkii isla-xisaab-tamayno.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka imanaya qodobkan qiimaha badan waxa ka mid ;
Ciwaanka 1aad
Ma jiray qof maanta wanaag Ii qabtay aniga , ama u qabtay / u qabta
bulshada bishan Rammaddan?
Sidee ayaan qofkaa ugu abaal-guday / ugu abaal-gudi karaa ?

Ciwaanka 2aad
Ma arkay / arkaa dad wakhtigooda ku luminaya wax aan faa’ido lahayn
bishan ?
ALLE ma ugu mahad-naqay dheeraadkaas uu i siiyay ee aan kaga duwan
ahay?
Ma sawirtay aniga oo dhex fadhiya dadkaas si uu qiimo iigu yeesho
mahadnaqaasi?
Ma laga yaabaa inaan ka mid ahaan jiray dadkaas oo ALLE I soo hadeeyay ?
( S’uaashani haday haa tahay , waxay kordhinaysaa qiimaha uu inoo yeelan
doono mahadnaqaasi?
Maxaynu iyagana ku caawinay talo , duco mise weynu iska-dhaafnay?
Ciwaanka 3aad
Ma jiraan camalo aynu qorsheysanay inaynu bishan qabano oo sidii aynu u
qorshaynay u fulay ama si ka fiican u dhacay?

Gunaanadka maqaalka waxaynu is-kula dardaarmayna in la iska ilaaliyo
xanuun ama dhib ku dhici karta cibaadadeena iyo acmaasha aynu la
imanayno bishan. Dhibtaas oo soo geli karta ciwaanka labaad. Xanuunkaas
oo ah in ay nafteenu inoo qurxiso ama inoogu sheekeyso inaynu dadkaa ka
fiican nahay. Taas oo ah in aynu camal-keena la dhacno , iyada oo dhaawac
weyn ku keeni kartaa camalkeena. Sidaas darteed waa in aynu xilli-kasta
joogteyno in aynu ALLE weydiisano dembi-dhaaf , sidoo kalena iska ilaalino
in aynu la dhacno camalkeena.
Waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada duceeyo walaalaheena
Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA dambi dhaaf loo weydiiyo
intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan fursad u helin inay ka qeyb
qaataan bishan barakaysan.
F.G
Tusaalayaasha la soo qaadan karo ee ku saabsan mahadnaqa lama soo koobi
karo. Aynu isku deyno in aynu cibaadadan meel kasta ka raadino.
.)]2732[ :‫ َولَ َك بِ ِمثْل» (صحيح مسلم؛ برقم‬،‫ آ ِمي َن‬:‫ قَا َل ا ْل َملَ ُك ا ْل ُم َو َّك ُل بِ ِه‬،‫َم ْن دَ َعا لأَ ِخي ِه بِ َظ ْه ِر ا ْلغَ ْي ِب‬
: http://iswy.co/e16rmi

Qormada afraad waxaynu kaga hadli doonaa qodobada kala ah aqoon-
korodhsi iyo xuska ALLE.
4. AQOON-KORODHSI

Qodobkan oo ah qodob ay tahay inuu qeyb laxaad leh ka qaato acmaasha
bisha Ramadan. Fadligiisa waxaynu ka xusi karnaa inuu yahay waxa keliya
ee nabigeena SCW ALLE ku yidhi I weydiiso inaan ku siyaadiyo.
Bishan Ramadan waxa jira fursado kala duwan oo uu qofku aqoon ku
korodhsan karo. Tusaale ahaan waxa laga bilaabaa kutub kala duwan
masaajidada , waxa la qabtaa muxaadarooyin , waxa lagu baahiyaa baraha
bulshada qoraalo ama muuqaalo kala duwan oo aynu aqoon ka faa’idaysan
karno.
Dhinaca kale waxa aynu inaguna diyaarsan karnaa qorshe inoo gaar oo ka
duwan kuwaas. Waxaynu akhrisan karnaa buugaag kala duwan oo ka
hadlaya mawduucyo kala duwan.
Ujeedada qodobkan ayaa waxa ka mid ah :
 In aynu bishan barano aqoon inaga caawinaysa in aynu la nimaadno
cibaado suuban ramadaantan . Taas oo inaga caawinaysa in soomkeena iyo
acmaasha kale ee aynu la nimanayno bishani noqdaan qaar u dhow in la
aqbalo.
 In aynu korodhsano aqoon inaga caawin karta in aynu nolosheena wax ka
bedelno. Sidoo kalena sahay inoo noqon kara ilaa Ramaddanta dambe.

 Korodhsashada aqoonta bisha Ramadan ama wakhti kasta waxay fursad
inoo siinaysaa inaynu bulshada la wadaagno waxkasta oo Ramadaantooda
wanaajinaya. Sidoo kalena waxay inoo noqonaysa camal wanaagsan oo aynu
ku cibaadaysan karno bisha Ramadaan.
Ujeedooyinkaas iyo qaar kale awgeed waxaynu odhan karnaa qodobkani
waa mid aan laga maarmi karayn. Sidaas awgeed waxa wanaagsan in aynu
qorshaysano in cibaadadan aynu wakhti u qoondeyno.
Waxaana ALLE mahadii ah in aqoontii si fudud lagu heli karo. Tusaale
ahaan casharka ka socda masjid waxa aad ula socon kartaa si toos ah ama
waxaad si fudud uga daawan kartaa baraha bulshada. Taas oo inoo
suurtagalinaysa inaynu mawduucyo kala duwan Xilli keliya la wada socon
karo.
Gunaanadka qodobkan waxaynu iskula dar-daarmaynaa in aqoonta aynu
korodhsanayo aanu ka maqnaan barashada TAFSIIRKA QURAANKA. Sidoo

kale waxa muhiim ah in aynu barano meelaha uu sheydaanku inaga soo geli
jiray , waxyaabaaha uu inoo qurxin jiray , cibaadooyinka uu inaga hor-
istaagi jiray , IWM.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobkan waxa ka mid ah , balse aanay ku
koobnayn:
• Ma diyaarsaday buugaag ama mawduucyo aan wax ka akhriyi/ dhagaysan
/ daawan doono doono bishan?
( Doorashadaadu waxa fiican inay ku xidhnaato waxaad xiiseyso ama aad u
baahan tahay)
• Ma korodhsanay maanta aqoon ? Maxay ahayd?
• Ma bartay ama ma baranayaa meelaha uu sheydaanku iga soo geli jiray si
uu xumaanta iigu rido , wanaagana i seejiyo ?

5. XUSKA ALLE

Qodobkan oo ah mid aad u balaadhan , ahna qodob ay soo geli karaan
acmaal fara badan. Balse waxaynu ka soo qaadan doono afar ka mid ah.
Ugu horeyn acmaasha qodobkan waxaynu is xasuusinaynaa inay yihiin qaar
wakhti kasta lala iman karo .( keliya marka lagu jiro suuliga ayaanay
banaanayn )
Tusaale ahaan marka shaqo lagu jiro , marka meel loo socdo iyo wakhtiga
afurka la diyaarinayo. Sidaas awgeed waxaynu odhan karnaa cibaadooyinka
ku jira qodobkani waa ay fudud yihiin keliyana waxay u baahan yihiin in la
xasuusnaado.

Quraan akhriska

Ciwaankan oo ka mid ah camalada qiimaha badan ee bishan lagaga
faa’idaysan karo. Sidaas darteed waxa muhiim ah in aynu maalinkasta
akhrino , oo aynu ugu yaraan hal mar khatino. Sidoo kale akhrinta
suuradaha gaa-gaaban sida SURATUL AXAD ( 3 JEER ) iyo suurdaha kale
ee aynu kor-ka ka hayno ee aynu la iman karnaa wakhti kasta , ee aan
wakhti badan inooga baahnayn ; waa camalo qiimo badan oo u baahan in la
xasuusnaado xilli kasta .

5 tan kelmadood iyo Saliga Nabiga

o TAhlil ( ‫لا اله الا الله‬
o Tasbiix ( ‫سبحان الله‬
o Taxmid ( ‫الحمد لله‬
o Takbir ( ‫الله اكبر‬
o Xawqala ( ‫لا حول ولا قوة بالله‬
Fadligood waxaynu ku eegi saddexdan xadiis :

• ،‫ فمن قال سبحان الله‬،‫ والله أكبر‬،‫ ولا إله إلا الله‬،‫ والحمد لله‬،‫ سبحان الله‬:‫ان الله اصطفى من الكلام أربعا‬
‫ فمثل‬،‫ ومن قال لا إله إلا الله‬،‫ فمثل ذلك‬،‫ ومن قال الله أكبر‬،‫كتبت له عشرون حسنة وحطت عنه عشرون سيئة‬
.‫ ومن قال الحمد لله رب العالمين من قبل نفسه كتبت له ثلاثون حسنة وحطت عنه ثلاثون سيئة‬،‫ذلك‬

• ‫ والحمد‬،‫ سبحان الله‬:‫ قولوا‬،‫ بل جنتكم من النار‬،‫ لا‬:‫ يا رسول الله من عدو قد حضر؟ قال‬:‫ قلنا‬،‫خذوا جنتكم‬

.‫ وهن الباقيات الصالحات‬،‫ فإنهن يأتين يوم القيامة منجيات ومقدمات‬،‫ والله أكبر‬،‫ ولا إله إلا الله‬،‫لله‬
• ‫ قال فمر بي النبي صلى الله‬،‫ أن أباه دفعه إلى النبي صلى الله عليه وسلم يخدمه‬:‫عن قيس بن سعد بن عبادة‬
‫ لا حول ولا‬:‫ بلى قال‬:‫ ألا أدلك على باب من أبواب الجنة قلت‬:‫عليه وسلم وقد صليت فضربني برجله وقال‬
‫قوة إلا بالله‬
Xadiiska koowaad macnihiisa waxa ka mid ah in qofka la yimaada mid-
kasta uu heli doono in loo qori doono labadan xasano lagana dhaafi doono
labatan gef , marka lags reebo ALHAMDULILAH oo iyadu soddon ajar
loogu qori doono , soddon dembina lagaga dhaafi doono.
Xadiiska labaad si kooban hadaynu u sheegno Rasuulku SCW wuxuu yidhi
gaashaankiina qaata . Markaasay moodeen asxaabtii in cadaw soo
weerarayo . Dabadeeto waxa uu ugu jawaabay ‘maye waxaan u jeedaa la
yimaadaan kelmadahan wxay idinka badbaadin naar...
Xadiiska saddexxad nabigu SCW waxa uu baray saxaabigaas kelmadaas oo
uu ku yidhi waa fure ka mid ah furayaasha jannada.

Ducada
Acmaasha ugu wanaagsan ee ALLE ugu jecel yahay waxa ka mid ah ducada.
Sidoo kale fadliga ku soo arooray ee ah in la aqbalo ducada qofka sooman
iyo fadliyada kale ee ay leedahay ducadu waxa uu ka dhigayaa camalkan mid
aan la ilaabi karin. Ducooyinka aynu la iman karno waxa ka mid noqon kara
inaynu ALLE weydiisano inuu soomka inaga aqbalo , naartana inaga
xoreeyo.
ALLE OO DEMBI-DHAAF LA WEYDIISTO.
Waxa dhici karta in wakhtiyada aynu soomka ku jirno ay inaga dhacaan
dembiyo ama khalado kala duwan. Sidoo kale marka aynu camal la
nimaadno waxa dhici karta in aynaa sidii la rabay ula iman . Sidaas darteed

camalkani waa mid aan laga maarmi karin bishan iyo xiili kasta.
Waxa ka dhaxeeya xidhiidh weydii-sashada dembi-dhaafka ALLE , ,
ciwaankii dulqaadka , iyo qodobka mahadnaqa. Ugu horeyn xidhiidkha ka
dhaxeeya dembi-dhaafka iyo mahadnaqu waxa uu noqon karaa:
In ALLE uu u dhaafo adoomadiisa dembiyada markay tawbad keenaan ee ay
isaga u soo noqdaan , Wuxuuna ka abaaliyaa adeecista ay adeecaan , sidoo
kalena waxa uu ka dhaafaa ka gaabista ay ka gaabiyaan u mahadnaqiisa. (AL
SHURAA 23)

Dhinaca kale xidhiidhka ka dhaxeeya dulqaadka iyo in ALLE dembi-dhaaf la
weydiisto waxa uu noqon karaa:
ALLE waxa uu arkaa adoomihiisa oo beeninaya , amarkiisana ka leexanaya ,
markaasu haddana u dulqaata , isaga oo kara inuu ciqaabo ayuu haddana ka
dib-dhigaa ciqaab-tiisa. Sidoo kale waxa asturaa oo aanu soo bandhigin
ceebaha iyo dembiyada adoomihiisa , waana uu u dembi-dhaafa. (FAADIR
41)

Casharada aynu ka baran karno saddexdan magac ee aynu ku cibaadaysan
karo waxa ka mid ah :
 In Maadama uu ALLE qofka u mahadnaqo marka uu camal wanaagsan la
yimaado. Mahadnaqaas oo ay ka mid tahay inuu ka raali-noqdo, wanaagna
ugu siyaadiyo. Sidaas darteed inaguna qofka wanaag inuu sameeya waa
inaynu u mahadnaqna.

 ALLE qofka ka gaabiya u mahad-naqiisa waa uu ka dhaafaa gaabin-taas.
Sidaas awgeed qofka qof inta aynu wanaag u samaynay haddana inoo abaal-
gudi waayay , ama sidii ku haboonayd inoogu abaal-gudbi waaya . Waa
inaynu iska cafino oo aynaa ku daba socon abaal-gudkaas.

 In ALLE dadka ka gaabiya adeecistiisa , gaalooba , ama dembiyada ku
dhaca , waxa uu kaga jawaabaa ficila-doodas dulqad iyo in uu ka ilaaliyo ,
ama aanu ku soo dede-jin cadhadiisa iyo ciqaabkiisa. Sidaas darteed waa in
aynu qofka inagu xad-gudba kaga jawaabno xad-gudubkiisa dulqaad , cadho
qarin iyo in aynaa ka aar-goosan oo deedna banaanka soo dhigin ceebihiisa
iyo khaladaadkiisa , balse aynu cafino oo aynu iska saamaxno.

Waxaynu ku soo koobaynaa qodobkan in markasta aynu xasuusnaano kuna
dedaalno la imaanshaha afartan camal ee kooban. Faa’idada aynu ka
helayno qodobkan ayaa ah waxa ka Mid ah inay inaga ilaalinayso waxa la
yidhaahdo mooga-naanta.
)‫الغفله‬

7.IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobkan ee aynu is-weydiin karno waxa ka mid
ah :

Ciwaanka 1aad

 Imisa jeer ayaa ii qorsheysan inaan khatimo Quraanka Ramadan-tan?
 Maanta imisa juz ayaan akhriyay ? Ama sidii aan qorsheystay ma ku
socdaa?

Ciwaanka 2aad
 Wakhtiyadan hawlahaygii aduunyo ku jiray ma xasuustay Saliga iyo
shantan kelmadood?
 Xilliyada kala duwan sida marka aan meel u socdo sida masjidka wadada
ma ku sii maray adkaartan ALLE ugu jecel yahay Quraanka ka dib ? IWM

Ciwaanka 3aad
 Sidee ayay ahayd ducadaydu maanta ? Ma la yimaaday ducooyin salaada
dhexdeeda iyo wakhtiyada kale-ba?
 Maadama oo ducada qofka sooman la aqbalo , walaalahayga muslimka ah
ma u duceeyay? Waa muhiim inuu qofku u duceeyo walaalihiisa muslimka
ah meel-kasta oo ay joogaan sida ay samayn jireen AMBIYADU ( tusaale
Nuux iyo Ibrahim )

Ciwaanka 4aad
 Dembiyadii iga dhacay ama gaabis-kii ku yimi camaladaan la yimi ALLE
dembi- dhaaf ma ka dalbaday?
 Ummadda Muslimka-ah ALLE dembi-dhaaf ma u weydiiyay?

Xidhmada maqaalka Waxaynu ku soo koobaynaa in ALLE laga baryo in
dagaalada iyo dhibta uu ka qaboojiyo dhamman Muslimka bishan
barakaysan.

FG
Maqaalkani waa u dheeraa . Wakhtiga oo kooban dartii iyo macnaha
qodobadan oo balaadhan awgood . Cidii dhamaysatay aad baan ugu

mahadnaqaya.
Waxaan ka soo qaatay :
.‫اسماء الله الحسنى جلالها و لطائفها وثمراتها‬
http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=Fat
waId&Id=137864

Maqaalka qormadan oo noqon doona maqaalka ugu dambeeya
qormooyinka aynu wadaagi doono bishan Barakaysan. Waxaynu ku soo
qaadan doona qodobka deeqsinimada iyo wax-bixinta.

6. A.DEEQSINIMADA

Ugu horeyn fadliga ay leedahay wax-bixinta iyo deeqsinimada waxaynu ka
tilmaami doonaa in Rasuulku SCW uu ahaa dadka ka ugu deeqsi-san , kana
deeqsi-sana dabaysha kheyrka wada. Xadiiskan oo laga yaabo inaynu
maqalnay marka ay culimadu ka hadlayaan fadliga bisha Ramaddan iyo sida
Rasuulku SCW deeqsi-nimadiisu ugu badnayd bishan barakaysan.
Saxaabiga warinaya xadiiska waxa uu yidhi : Rasuulku SCW waxa uu ka
deeqsi-sanaa dabaysha oo ka mid waxyaabaha ALLE uu abuuray kuwa ugu
dheereeya. Taas oo ay culimadu yidhaahdeen waxa uu ina tusayay
saxaabigaasi sida uu rasuulku ugu dedaali jiray deeq-sinimada iyo wax-
bixinta.
Culimada islaamku marka ay ka hadlayaan deeqsi-nimada iyo wax-bixintu
kuma koobaan lacagta oo kaliya. Dhinac kale haddaynu ka eegno qof kasta
oo lacag haystaa deeqsi- maaha. Sidoo kale waxay sheegaan habab kale oo
qofku deeqsi ku noqon karo. Taas oo aynu ka arki karno fudayd-ka
shareecada iyo in qof-kastaa uu fursad u haysto inuu ka mid noqdo kuwa
deeqsi-yiinta ah. Walibana sabab u noqonaysa inuu iska ilaaliyo xanuun aad
looga deyriyay Quraanka iyo sunnada oo ah bakhayl-nimada.
Noocyada deeq-sinimada ee aynu soo qaadan doono waxa ka mid ah:

Deeqsinimada aqoonta
.
Aqoontu waa shay aad u qiimo badan. Sidaas darteed inaad noqoto qof
aqoon bara bulshada bishan waa mid kaa dhigaysa deeqsi.
Ciwaankan oo ah mid ay isticmaali karaan dadka fahmay qiimaha uu
leeyahay faafinta cilmigu iyo dadka aan ALLE ugu darin cilmigooda lacag.
Siyaabaha aynu u isticmaali karno ayaa ah in aynu aqoonteena bulshada la
wadaagno inaga oo aan addunyo kaga doonayn bishan barakaysan. Tusaale
ahaan qof baa aqoontiisa dadka lacag ku bari jiray. Laakinse bishan waa
inuu isaga oo ALLE abaal-gud ka rajaynaya uu bilaash ku baraa.

Deeqsi-nimada xilka
Waxa jira dadka qaar oo ALLE ku manaystay xilal kala duwan. Xilal-kaas
kala duwan ee noqon kara qaar dawladeed , maxkamadeed , IWM. Waa in
qof-ka bulshada xil u haya uu ugu faa’idaysto bishan iyo xilli-kastaba inuu
ku caawiyo. Siyaabaha uu ku caawin karo waxa ka mid ah inuu wakhti
dheeraad ah shaqeeyo , in ay si fudud oo isku mid ah ula kulami karaan
shariif-ka iyo ka mis-kiin-kii. Sidoo kale haddi uu xafiis maamulo , in uu
dadka ka hooseeya ku caawiyo wixii uu kari karo , sida inuu culayska
shaqada ka yareeyo bishan iyo tusaalayaal kale oo fara badan.

Deeq-sinimada fur-furnaanta iyo Akhlaaq wanaaga.
Qofku waxa uu deeq-si ku noqon karaa akhlaaq-wanaagiisa. Tusaale ahaan
dhoola-cadaynta uu bulshada ku qaabilayo , kaftanka iyo hadal wanaaga uu
kula dhaqmayo iyo akhlaaqda kala duwan ee diinteenu ina fartay sida in
aynu dadka wax-tarno , caawino , dhib-ta ka qaado ama aynaa dhibin . Waa
qaar aynu ku noqon karno deeq-siyiin. Waxaana xusid mudan in dadka oo
dhan aynaa jeeb-keena wada gaadhsiin karin. Balse aynu wada gaadhsiin
karno dhaqan-wanaageena. Fadliga Akhlaaq wanaagana waxa ka mid ah
inuu yahay waxa ugu culus ( cusleeya ) miisaanka acmaasha qofka , waxa
aynu ku gaadhi karnaa derajada booska nin soon badan maalintii ,
habeenkii salaad badan. Sidoo kale waxa uu inaga yeelaya qaar u dhaw
Nabiga SCW jannada .

Deeqsi-nimada sharafta
Ciwaankan oo ah inaynu sharaf-teena iyo wax-kasta oo wax u dhimaya ku
sabirno iskana cafino ama saamaxno cida inagu xad-gudubta. Ciwaankan oo
ah kii aynu ku soo qaadanay qodobkii sabirka , dulqaad-ka iyo cafinta.
Waxa dhab ah in qof kasta ay aad u dhibto wax-kasta oo sharaftiisa waxa
yeelaya. Waliba waxay yidhaahdaan habkani waa ka ugu adag ee deeqsi lagu
noqon karo. Balse in aynu isku dayno in aynu saamaxno cid-kasta oo inagu
xad-gudubta waxaynu ku faa’idi doonaa in qalbigeenu nadiif ka noqdo
calool- xumada , nacaybka , IWM. Sidoo kalena waxaynu ku gaadhi doonaa
qalbi xasiloon oo ay ka madhan tahay la colaatan-ka iyo nacaybka dadka.
Walibana waxa lagu badbaadayaa Aakhiro waa qalbi fayaw oo ka sifaysan

cuduro ay kuwani ka mid yihiin.
Waxaynu ku soo koobaynaa in wax-bixinti ay markasta muhiim tahay.
Sidaas darteed bixinta lacagta iyo sadaqada bisha Ramadan iyo xilli kastaba
waa mid ay dhiirigalisay diinteenu.

B.WAX-BIXINTA

Waxa ku soo arooray fadliga wax-bixinta fadliyo kala duwan. Sidaas darteed
waxaynu dadka ay ku yara jirto bakhayl-nimadu kula dar-daarmaynaa
aayad qiimo badan oo ku jirta suuratu (AL CIMRAN 180)
Aaya-dan waxay leedahay dadaw wax bixiya saddex sababood awgeed:
• Marka hore cida dheeraad-ka bixisa sida lacagtu waa ALLE . ee maaha wax
uu adoonku leeyahay. Walibana haddii aanu ALLE ku manaysan muu
heleen nicmadaas. Sidaas darteed haddi ALLE kuu sama-falo waa inaad
adiguna u samo-fashid adoomihiisa sida ku cad aayada kale
( QASAS 77) . Qofka ku dhaqmi waaya aayadan kale waxa uu noqonayaa
mid galadii Rabbigii uga timi bulshada kala bakhaylay. Ma wax lagugu
deeqay baad dadka kala bakhayliysaa?
• Marka labaad cida ay gacantiisa adoomuhu ku jiraan waa ALLE , isaga
ayaana loo wada noqonaya. Sidaas darteed maxay tarayaa ku bakhayl-ista
lacag lagaa qaadi karo marka la doono sida inay ku dhacdo masiibo dabiici
ahi, ama aad ka dhiman doontid. Dabadeeto cid-kale ku wareegaysa?
• Marka saddexaad haddii qiyaame iyo is-abaalin inaga horeyso , taas oo la
iska abaali-nayo wanaag , sidoo kalena la isku cadaabayo xumaanta iyo
dembiyada . Miyaanay taasi sabab aynu wax ku bixino ahayn ? Waayo
haddaynu wax bixino waa la inaga abaal-marin. Haddii aynu bakhayl-nimo
la nimaad-nana waa la inagu ciqaabi.

7. IS-XISAABIN

Su’aalaha ka iman kara qodobka deeqsi-nimada iyo wax-bixinta waxa ka
mid ah:
• Lacagta ka sokow maxaan deeqsi ku noqon karaa ee ii fudud ?
• Maanta maxaan bulshada ugu deeqay? Tusaale waxaad ku jawaabi kartaa
wakhtigayga , aqoontayda ,akhlaaqdayda , xil-kayga , sharaftayda ( cafinta) ,
IWM.
• Waa sidee wadada ugu fudud ee aan is-kaga yarayn karaa ama uga bogsan
karaa xanuunka bakhayl-nimada?

Gunaanad-ka maqaalka ALLE waxaan ka baryaynaa inuu inaga aqbalo
soomka , salaadaha iyo camalada kale-ba bisha Ramadan. Waxaynu is-kula
dar-daarmaynaa maadama oo bishani tahay bil ducada aad loo rajeeyo in la
aqbalo. In aynu dhammanteen muslimka meel-kasta oo ay joogaan loo
duceeyo kuwooda nool iyo kuwooda dhintay-ba .
Xadiis- rasuulka ka sugmayna waxa uu sheegayaa in dadka ka ugu caajisan
u yahay : qofka ka caaji-sa ducada. Sidaas darteed yaan laga gaabin ducada
bisha Ramaddan.
‫قال صلى الله عليه وسلم‬
. " ‫ َوإِ َّن أَ ْب َخ َل النَّا ِس َم ْن بَ ِخ َل بِال َّسلا ِم‬، ‫أَ ْع َج َز النَّا ِس َم ْن َع َج َز بِالدُّ َعا ِء‬
F.G
Noocyada deeq-sinimada culimadu waxay qeybiyaan 10 nooc. Balse
waxaynu ka soo qaadanay afar ka mid ah. Cidii doonaysa inay wada ogaato
waxay ka daalacan kartaa link-ga.

Waxaan ka soo qaatay :
‫تفسير السعدي‬
https://islamqa.info/ar/ref/islamqapages/31

DUCO AY NABIYO BADANI KU DUCAYSAN JIREEN
IYO NABIGII NAFTIISA ILAABAY!

Maqaalka qormadan oo noqon doona qormadii labaad ee aynu wadaagi doono maalmaha uu
ALLE in camal la qabto ugu jecel yahay , camaladuna ugu kheyr badan yihiin ( TOBANKA
DUL -XIJA!).
Qormadan waxaynu ku soo qaadan casharo aynu ka baran karno Quraanka kariimka ah. Sida
aynu maqaalo hore ku soo aragnay barashada macnaha Quraanku waa mid aad u muhiim ah.
Sidaas awgeed maalmahan ugu qiimaha badan waxa lagu qaabili karaa barashada iyo barista
kitaabka ugu qiimaha badan ee ALLE soo dajiyay. Inaga oo soo qaadan doonaa laba cashar
oo kooban.

Casharka koowaad (ALBAQARA 37) (AL-ACRAF 23)

Marka aad akhrido Quraanka adiga oo dhuuxaya waxa aad arki doontaa in dadka ugu qiimaha
badnaa adduunyadan ( Ambiyada ) ay ALLAHOOD weydiisan jireen inuu u dembi-dhaafo!
Markii ay Adam iyo Xaawi ay geedii cuneen ayaa Adam waxa uu ka helay RABBIGII
kelmado . Kelmadahaas oo ah kuwa ku sugan suuratul (ACRAAF aayada 23) , oo
macnaheedu yahay si kooban:
Waxay yidhaaheen (Adam oo ahaa aabahii bina’aadamka iyo hooyadeen ) 《..RABBIGA-
YAW nafahayagii waanu dulminay markaanu ku caasinay ee aanu maqalnay hadalkii IBLIIS
, ee hadaanad noo dembi-dhaafin oo aanad noo naxariisan ; waxaanu ka mid noqon doonaa
duulka khasaaray. 》
Intaa markay yidhaahdeen ayaa ALLE ku sheegay suurada (ALBAQARA 37) inuu ka
aqbalay tawbadoodii.
Casharada aynu ka baran karno labadan aayadood ayaa ah :

• Galada iyo nimcada uu ALLE inagu manaystay ee ah barista uu baray aabaheen iyo
hooyadeen kelmadahan qiimaha badan. Si aynu inaguna ugaga dayano. Waayo bina-
aadamka marna noloshiisa kama maqnaan doonaa gefaf-ku.

Dhinaca kale ambiyada sida NUUX , IBRAHIM , MUUSE ; waxay ALLE weydiisan
jireen inuu u dembi-dhaafo. Sidaas darteed waxa halkaas inooga cad baahida aynu u
qabno inaguna dembi-dhaaf iyo naxariista EEBE. Sidoo kale ALLE waxa uu faray
Rasuulkeena inuu yidhaahdo ALLAW ii dembi-dhaaf oo ii naxariiso si ay
ummadiisuna ugu dayato. (MUMINUUN 118)

CASHARKA LABAAD (ALKAHF 71 ) ( MARYAM 13)

Nabi MUUSE markii uu doonta la raacay ninkii wanaagsanaa ee KHADAR , waxa dhacay
in KHADAR uu loox ka mid ah looxyadii ay ka samaysnayd doontu uu soo fujiyay.
Dabadeeto nabi MUUSE oo ka yaaban arrinkaas ayaa weydiiyay “ ma waxaad looxyada uga
fujisay si ay badu u liqdo dadkan iska leh doonidan? Arrinta cajiibka ah ayaa ah sida uu nabi
MUUSE u yidhi hadalka , waayo waxa hadalkiisa ka muuqda inuu isagu is-ilaabay. Ma uu
odhan si ay dhammaanteen badu inoo liqdo balse waxa uu keliya yidhi (dadkeeda iska-leh) .
Taas oo ina tusaysa naxariista ay lahaayeen Ambiyadu.
Waxa xusid mudan in ALLE nabigeena MUXAMAD (SCW) uu ku tilmaamay inuu yahay
naxariis loo soo diray CAALAMIINTA.

Caharada aynu ka baran karno aayadan ayaa ah:
• Heerka ay taagnayd naxariista ambiyada iyo sida ay nafahooda ugu horumarin jireen
dadka kale .
• ALLE waxa uu surada (MARYAM 13) ku sheegay inuu nabi YAXYE siiyay
naxaariis. Naxariistaas oo sabab u noqon doonta in uu dadka u dhibirsanaado ,
kheyrkana ugu yeedho ; xumaantana ka waaniyo.

In la isku naxariisto waa dhaqan ay diintu dhiirigalisay , sidaas darteed waxa jira dad
isku deya inay qariyaan deeqda EEBE ee ah inuu ka dhigay qaar naxariis leh oo ay
damqayso wax kasta oo soo gaadha ehel-kiisa iyo walaaalihiisa Muslimka ah.
Waxaana xaqiiq ah in caalamkan aynu joogno ay jiraan xad-gudubyo , dulmi , in la
isku awood sheegto iyo dhaqamo tiro badan oo li-di ku ah isku naxariisa-shada ay
dhiirigalisay diinteenu. Taas oo ku kalifaysa qofka inuu iska tir-tiro naxariistii uu
lahaa si uu u ilaashado xaquuqdiisa. Balse sida ku cad labadan aayadood , in qofku
noqdo mid naxariista waa mid magac iyo maamus u soo jiidi doonta qof-kaas sida ku
cad sheekada labadaas Nebi, kuna heli doona naxariista EEBE , waayo ALLE waxa
uu u naxariistaa cida adoomihiisa u naxariista ; sida ka sugan Rasuulkeena (SCW)

‫إنما يرحم الله من عباده الرحماء‬
‫البخاري‬

Xidhmada maqaalka waxaynu iskul dar-daarmaynaa inaynu gefaf-ka inaga dhaca
aynu ka tawbad keeno , sidoo kalena gefaf-ka inaga soo gaadha dadka
inaynu ka saamaxno. ALLENA weydiisano inuu inoo naxariisto , sida ay samayn
jireen duulkii inaga horeeyay.
Dhinaca kale inaynu isku naxariisano oo aynu hadal iyo dhaqan wanaagsan aynu
bulshada kula dhaqano , waxaynu ku gaadhi karnaa horumar fara badan oo ay ugu
weyn tahay helista naxariista EEBE , inaynu is-qadarino isna caawino ; oo aynaa
isku-xadgudbin isna dulmiyin.
Taas oo inaga saaraysaa xanuun inagu dhacay oo keenay in qof-kastaa ay
mashquulisay dantiisii ama uu noqday danayste , oo ay yaraatay is-taakulayntii u
dhaxaysay bulshadu. Ha xad-gudbin hana bakhaylin!

Waxaan ka soo qaatay afartan buug:
‫تفسير الوسيط‬
‫تفسير القرطبي‬
‫تفسير الزهراوين للمنجد‬
‫تيسير المنان في قصص القران‬

F.G
Maqaalka qormadani kama turjumayo aqoon aan u leeyahay cilmiga TAFSIIRKA ,
balse keliya wuxuu dhiirigalinayaa barashada cilmigan qaaliga ah ee TAFSIIRKA
maalmahan qaaliga ah.

ADEERO : ALLE WEYDIISO INUU KU NABAD-
GELIYO

Maqaallka qormadan oo noqon doona qormadii saddexaad ee aynu wadaagi doono maalmaha
uu ALLE in camal la qabto ugu jecel yahay , camaladuna ugu kheyr badan yihiin (
TOBANKA DUL -XIJA!).
Qormadii hore waxaynu ku soo qaadanay muhiimada ay leedahay in ALLE dembi-dhaaf la
weydiisto iyo sida aaanay uga maarmi jirin duulkii inaga horeeyay camal-kaas qiimaha
badan. Taas oo inuu cadaynaysay sida ay muhiim u tahay inaynu la nimaadno cibaada-daas
maalmahan qiimaha badan.
Qormadan kooban waxa gun-dhig u noqon doona xadiis rasuulka ka sugan SCW oo ay ku
jirtay waxa la ii soo saaray inaan wax baro waxa wariyay (MUSLIM 1478 )
Sida ku cad meelo dhawr ah Quraanka kariimka ah , waxa ALLE uu umadan ugu galad
sheegtay inuu u soo saaray rasuul bara kitaabka iyo sunnaha ( AL BAQARA 151). Sidaas
darteed waxaynu soo qaadan doona laba xadiis oo ina tusaya sida uu rasuulku wax u bari
jiray cida weydiisata inuu wax baro.

Tusaalaha koowaad
Abubakar Al-Sidiiq ayaa waxa uu maalin maalmaha ka mid ah uu rasuulka ku yidhi : Rasuul
ALLAW I bar duco aan RABBIGAY ku baryo markaan tukanayo. Markaas ayuu rasuulku
Ku yidhi waxaad akhridaa ducadan :
‫ فاغفر لي مغفرة‬،‫ اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً ولا يغفر الذنوب إلا أنت‬:‫ قل‬:

.‫من عندك وارحمني إنك أنت الغفور الرحيم‬

Ducadan oo ay aynu ku soo aragnay qormadii hore , waa duco ay culimadu ku tilmaamaan
inay tahay mid koobsanaysa macno balaadhan:

• Waxa ku jira qirasho uu qiranayo addoonku inuu ka gaabiyay xaqii RABBIGGI oo
uu dulmiyay naftiisa dulmi ay sabab u yihiin gefaf-ka tirada badan ee ka dhacay .
Dulmigaas oo uu ku tilmaamay adoon-kaas ALLAHI baryayaa inuu yahay mid fara
badan.

• Inuu ka dalbanayo RABBIGII inuu dheef iyo barwaaqo siiyo . Waayo ii dembi-
dhaaf waa ALLAW astur khaladaad-keyga oo iga dhaaf. Halka ay tahay ii naxariiso ;
ALLAW kheyr-kaaga iyo dheeraadkaaga ii-gu deeq.

• Waxa haboon in adoonku mar-kasta uu maan-ka ku hayo gaabis-ka uu ku dhacayo ,
si aanu ula dhicin camalkiisa.

• Qira-shada uu adoonku qirto dembi-giisa iyo awood-daradiisu , waa mid u
dhawaynaysa in laga aqbalo ducadiisa.

Tusaalaha 2aad

CABAAS IBNU MUDALIB oo ahaa Rasuulka adeerkii ayaa u yimi rasuulka
markaas ayuu ku yidhi ; rasuul ALLAW i bar duco aan RABBIGAY ku baryo.
Markaasu rasuulku ku yidhi : ALLE weydiiso inuu ku nabad-geliyo . CABAAS ayaa
yidhi dhawr cisho kadib ayaan rasuulka ku soo noqday oo aan weydiiyay mar labaad
isla su’aashii. Markaasuu igu yidhi : CABAASAW adeerkay-aw ALLE weydiiso
inuu ku nabad-gelyo.
Kelmadan oo ah kelmad koob-sanaysa wax-kasta oo qof-ka dhib ku ah hadday tahay
xanuun , dhibaato , balaayo , IWM.
Waxaynu odhan karnaa ducadan waxa soo hoos gelaya aafo kasta oo ku dhacda
naftaada , maal-kaaga , ehel-kaaga iyo aafo-kasta iyo dhib kasta oo adduunyada ah.
Sidoo kale waxay gaashaan kaaga noqonaysaa balaayo kasta oo kaaga dhacda
diintaada. Sidaas darteed in lagaa nabad-geliyo balaayooyinka iyo dhibaatooyinka
kala duwan ee diintaada iyo adduunyadaada saamayn ku leh mid aad u qiimo badan.
Waxaana iyaduna meesha ku jirta in isla qof-kaasi ALLE uu adduun-ka iyo aakhiro-
ba nadad-gelyo ku manaystay , uu yahay xaqiiqdii mid ku guuleystay dheef fara
badan kana badbaaday shar iyo dhibaatooyin kala duwan oo wer-wer , murugo iyo
cabsi kugu keeni lahaa. Taas oo ay waa-jib ku tahay inuu mahad la yimaado.
Bal ka waran haddii wax-kasta oo dhib kugu ah adduun iyo Aakhiro oo ay ka mid
tahay xisaabta qiyaame lagu nabadgeliyo oo aad ka badbaado cadaab?
Waxaan filayaa inay tahay mid aan la qiyaasi karin.

‫ يا رسول الله؛ علمني شيئاً أسأله الله عز‬:‫ قلت‬:‫الترمذي عن العباس بن عبد المطلب قال‬
‫ يا رسول الله علمني شيئاً أسأله‬:‫ فمكثت أياماً ثم جئت فقلت‬،‫ سل الله العافية‬:‫ قال‬،‫وجل‬
‫ (سل الله العافية في الدنيا‬:‫ يا عباس يا عم رسول الله‬:‫ فقال لي‬،‫الله‬
ً‫) وصححه الترمذي والألباني أيضا‬.‫والآخرة‬.
‫ رواه‬.‫ فإن أحدا لم يعط بعد اليقين خيرا من العافية‬،‫أسألوا الله العفو والعافية‬
‫ وصححه الألباني‬،‫الترمذي‬.

‫ لم يكن رسول الله صلى الله عليه وسلم يدع هؤلاء الدعوات‬:‫فعن ابن عمررضي الله عنهما قال‬
‫ اللهم إني أسألك العفو‬،‫ اللهم إني أسألك العافية في الدنيا والآخرة‬:‫حين يمسي وحين يصبح‬
‫ اللهم احفظني من بين يدي‬،‫ اللهم استر عورتي‬،‫والعافية في ديني ودنياي وأهلي ومالي‬
‫ وأعوذ بعظمتك أن أغتال من تحتي‬،‫ومن خلفي وعن يميني وعن شمالي ومن فوقي‬.
‫ وصححه الألباني‬،‫الحديث رواه أحمد وأبوداود وغيرهما‬

Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu odhan jiray ALLE weydiista inuu idin cafiyo , sidoo
kalena uu idin nabad-geliyo . Rasuulkuna kama uu tegi jirin marna akhrinta ducooyin ay ku
jiraan labadani.

Xidhmada maqaalka waxaynu isku dar-daarmaynaa in lagu deydo rasuulkeena SCW uu
ALLE ku tilmaamay inuu yahay mid loo soo diray inuu wax baro , sidoo kalena aynu barno
bulshadana wax-kasta oo RABBIGOOD u dhawaynaya iyo jannoyinkiisa qiimaha badan.
Dhinaca kale ujeedada maqaalkani waxay ahayd inaynu is xasuusino fadliga ay leedahay
ducadu maalmahan qiimaha badan , iyada oo ay fooda inagu soo hayso maalinta ay ducadu
ugu qiimaha badan tahay ee CARAFA. Sidaas awgeed aynu ALLE ka barino inuu inaga
dhaafo dembiyadeena faraha badan , naxariistii-sana weydiisano ; kana barino inuu inaga

xijaabo oo uu inaga nabad-geliyo balaayooyinka kala duwan ee aynu qaar ka mid ah
hareeraheena ku aragno . Kuwaas oo ay ugu horeyso ta diinteena saamayn ku yeelan karta.

F.G
WAXAAD LINK-KAN KA DAJISAN KARTAAN 100 DUCOOYIN OO KITAABKA IYO
SUNNAHA RASUULKA SCW LAGA SOO URURIYAY :
https://t.co/1uDE6RZzYS?amp=1

Waxaan ka soo qaatay maqaalkan :
‫الألى الزكيه في شرح الادعيه النبويه‬

http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=2
21788

DHAMMAD

@2017-2018

https://medium.com/@Kadim


Click to View FlipBook Version