The words you are searching are inside this book. To get more targeted content, please make full-text search by clicking here.
Discover the best professional documents and content resources in AnyFlip Document Base.
Search
Published by , 2018-10-30 10:20:28

Articles 17.18

Articles 17.18

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

Dhamman cid-kasta oo wakhtigooda qaaliga ah ku bixisay akhrinta

maqaaladan waxaan rajaynaa inaad ugu yaraan hal shay ka
faa’idaysateen.

Fadlan la wadaaga cidaad jeceshihiin.

Mahadsanidin .

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allaha inagu maamusay
nimcooyinka ammniga iyo iimaanka. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa

dawladda xilka haysa sida ay ugu heelan tahay ilaalinta ammniga iyo
walaaltinimada bulshada.
Waxa heerka waxqabad ee dawladii leedahay ka warama wakhtiga. Sidaa
darteed dhammadka wakhtiga dawladani waxa uu cadayn doonaa heerka

u gaadhsiisnaa waxqabadkeedu.
Maqaalkani waxa uu la xidhiidhaa doorashada aqalka madaxtooyada
SOMALILAND ee ay dhawrka bilood inaga xigaan haddi EEBE idmo.

Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidee lagu qiyaasaa
waxqabad dawlad, waa kuma hogaamiyaha wanaagsani, calaamado lagu
garto xilkasnimada hogaamiye inta uu xilka hayo iyo waliba buugga
ololaha ee xisbi sidee aynu inooga cawin karaa doorashada hogaamiye

qaran?
Ugu horayn waa maxay Dawladdi?
"Dawladnimadu waa wax ay wada leeyihiin dadka maanta jooga iyo ka

dhalanaya ilaa maalinta qiyaamaha. Taas ayaa ah dawladnimada aynu
doonayno".
( sheekh Adan Siiro)

*Sidee lagu ogaadaa ama lagu qiyaasaa waxqabadka dawladdi leedahay?

Marka aynu doonayno in aynu ogaano waxqabadka dawlad waxa aynu ku
garan karnaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay:
"Dawlad ama xadaarad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una
horumarayso dadka cida awooda haysa ka fog ,ha ahaato fogaansho
qabiileed, dhaqaaleed, iyo diimeed ..... Laakinse aan lagu qiimayn sida ay
uga faaideen dadkii xaalkoodu wanaagsanaa markii hore ama sida ay u
faaideen kuwa ka ag dhaw cida xilka iyo awoodu gacanta ugu jirto".
(Hadalka LARRY BRILLIANT guddomiyaha The skoll global threats

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 1

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

Fund ,Waxaan ka soo qaatay buuga Focus ee uu qoray DANIEL
GOLEMAN).
Qeexidan waxaynu ka samayn karnaa waydiimo ay ka mid yihiin:
1-Sidee ayay xaalada dadka faqriga ku sugnaa isu bedeshay , hoygoodii,
dhaqaalahoodi iyo caafimaadkoodii kor ma u kacay , caruurtoodii
waxbarasho iyo shaqooyin tayo leh ma heleen, cashuurtii ay bixin jireen
baahiyahoodii ma dabooleen , ama waddanka horumar ma lagu
gaadhsiiyay?
2-Qabiilada dalka si siman horumarka dalku ma u gaadhay, mise
qabiilada xilka haya ama kuwa ka ag dhaw ayaa si gaara u faaiday?

Waxa astaan u ah dawlad waxqabad diyaar u ah , sinaanshaha iyo sida
isku midka ah ee ay uga faaidaan bulshada ku nool waddankaasi
khayraadka iyo adeegyada oo dhan.
Balse dawladaheena waxa astaan u noqday in ay ka faaidan dad gaar ah
kuwaas oo ah inta ka ag dhaw cida xilka haysa. Hadalka LARRY
BRILLIANT waa mid lagu qiyaasi karo waxqabad dawlad.

*Waa kuwa hogaamiye qaran oo wanaagsani?

Hogaamiyaha qaran ee wanaagsani waa ka bulsho u horseeda in ay ku
noolaato nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen hogaamiyahaa ka hor.
Sidoo darteed hogaamiyaha aynu u baahan nahay waa in uu noqdo mid
uu waxqabadkiisu astaan u yahay hoggaamintiisa.
Ummad aqoon iyo karti leh marka ay dooranayso cid ha ahaado
madaxwayne , wasiir , ama macalin, IWM. Waxa ay ku doortaan laba sifo:
Hawlkarnimo iyo daacadnimo. Labadaas tilamaamood oo aad moodo in
aanay agteena qiimo wayn ku lahayn. Marka aynu ka nimaadno
ummadaha horumaray Quraanka Kariimka ah ayay ku qoran yihiin
labadaas tilmaamood. (QASAS 26).
Labadaa astaamood haddi aynu ku dhaqano waxaynu gaadhi karna ama
dhaafi karnaa waddammada horumaray. Waayo ummad kasta oo
caalamka caan ku noqotay horumar iyo barwaaqo waxa ay ku gaadhay in
shaqooyinka noockasta ha noqdaane, uu qabanayo qofkii ku haboona
isaga oo aan u baahnayn dabagal iyo qasbid toona! Qofwalbana uu yahay
mid xilkiisa si la qiyaasi karo u gudanaya.
Madaxweyne,cida la shaqaysa iyo cidkasta oo shaqo qabanaysaaba waa
inay noqdaan kuwo is-kood isu maamula oo muujiya xilkasnimo iyo

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 2

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

daacadnimo.
Laakinse xaalada aynu ku sugan nahay wakhtigan waa mid taa ka
gadisan. Waxaynu arkaynaa in xilalkii aayaha ummada saamaynta wayn
ku lahaa aynu u dhiibayno dad aan aqoonteedii lahayn, walibana
garanayn ama aanay ka guuxayn nafahooda culayska ay leedahay
ammaanada loo igmaday. Taas oo sabab u noqonaysa in ay ku fushaan
danahooda gaarka ah. Waxaana halkaas ku dayacmaya danihii guud ee
bulshada.

Qaybta hore waxaynu soo qaadanay qeexida dawlad , sida lagu qiyaaso
waxqabad dawlad iyo hab lagu doorto hogaamiye qaran oo wanaagsan.
Habkaas oo ay ka mid ahaayeen hawlkarnimada hogaamiye oo ay u
horayso aqoontiisa,waayo-aragnimadiisa iyo daacadnimadiisa .Waana
hab inaga caawinaya doorashada hogaamiye qaran oo hawshaa culus ka
soo bixi kara.

qaybtan labaadna waxaynu ku soo qaadan doonaa :maxaa ka mid ah
astaamaha lagu garto xilkasnimada hogaamiye qaran inta uu xilka hayo,
iyo buugga balanqaadka ee xisbi sidee ayuu inooga caawin karaa
doorashada hogaamiye wanaagsan?

*Ugu horayn maxaa ka mid ah astaamaha hogaamiyaha wanaagsan inta
uu xilka hayo?
Madaxweyne ama hogaamiye waxa uu inta xilka uu hayo lagu gartaa
xilkasnimadiisa astaamo ay ka mid yihiin : Ka warqabka xaaladaha kala
duwan ee bulshada saamaynaya iyo la-tashiga inta aqoonta iyo khibrada
leh.
1- Ka warqabka xaalka bulshada iyo in uu ka dhigo bulshadaasi
aqoonteeda , dhaqaalaheeda iyo baahiyahooda kale qaar ka
wanaagsan siday ahaayeen inta aanu xilka qabanin. Taasi waa hawsha
koowaad ee uu hogaamiye ama madaxweyne ay tahay in uu qabto.
Tusaale ahaan ogaanshaha adeega caafimaadka oo aad looga dayrinayo
meelaha qaar sida cusbitaalka guud ee BURCO ( waa wakhti hore
arrintan cusbitaalku) oo waayahan dambe adeegiisa caafimaad hoos u
dhac ku yimi. Ogaanshaha adeegaa caafimaad ee hoos u dhacu ku yimi
kadib waa in uu madaxweyahaasi ama cida shaqadani khusayso ay ku
dadaalaan kor u qaadista tayada adeegaa caafimaad.

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 3

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

2- In uu la tashado kana yeelo cida la shaqaysa dadka aqoonta iyo
khibrada u leh xaaladaha kala duwan ee bulshada ku geedaaman. Tusaale
ahaan sicir bararka ka jira dalka wakhtigan waxa uu markaati cad u yahay
sida aan loo tixgalin soo jeedintii dadkii aqoonta u lahaa sidii sicir
bararka looga bixi lahaa. Walibana aynu ka dheehan karno in xilkaa loo
dhiibay cid aan ka soo bixi karin! (Waa wakhti hore tusaalahani)

Hogaamiyaha cadaalad ku dhex maamula bulshadiisa,kuna dadaala inuu
ka warhayo xaaladahooda lana tashadana. Waa hogaamiye ama
madaxwayne ay ka dhabtahay horumarinta bulshadiisa.
Waxaana dhab ah dawlada aanay dadkeedu sinayn oo qofwalba xaqiisii
oo dhammaystiran aanu helayn, in ay noqonayso mid horumarkeedu
curyaamayo.

*Doorashada dawlad iyada oo loo eegayo barnaamijka waxqabad ee ay
doorashada ku galayso
Balanqaadyada kala duwan ee ay xisbiyadu inoo soo bandhigayaan waa
hab kale oo aynu ku dooran karno hogaamiye qaran.

Buuga ololaha ee balanqaad-kuna waa mid aynu ka arki karno waxa u
qorshaysan xisbi in uu qabto,walibana aynu kula xisaabtami karno.Waa
haddii uu leeyahay xisbigaasi!

Habkan sida aynu wax ugu dooranaynaa waxay tahay in aynu qiimayn
iyo is bar-bardhig ku samayno qorshayaasha xisbiyada uga dajisan
qodobadan hoos ku xusan iyo kuwo kaleba.Baadhistan iyo hubintan ka
dibna waxa aynu dooran karnaa hogaamiyaha aynu is leenahay waa uu

inoo wanaagsanyahay adduun iyo aakhiroba.

1- Tacliinta.
-Xisbigani maxaa uga qorshaysan sidii ay dadka oo dhami ugu yaraan u
heli lahaayeen waxbarasho aasaasi ah?

-Sidee buu doonayaa inuu kor ugu qaado tayada waxbarashada
xisbigani?
-Macalinka ilaalinta xuquuqdiisa , dhiirigalintiisa,kobcinta iyo

kordhinta gunadiisa,aqoontiisa iyo xirfadiisa maxaa uga qorshaysan
xisbigaas?

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 4

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

2- Caafimaadka.
-Ma doonayaa xisbigani inuu hirgaliyo adeeg caafimaad oo
dhammaystiran magaalo iyo miyiba, sidee ayuuna ku hirgalinayaa?

-Maxaa uga qorshaysan kor u qaadista tayada, baabinta musuqa iyo
qiimaha qaaliga ah ee caafimaadka?
3-Shaqada.

-Siduu buu doonayaa xisbigani inuu ku yareeyo shaqo la,aanta baahsan?
-Maxaa uga qorshaysan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo sugnaanta
shaqada ee shaqaalaha?

(Job security)

4-Kaabayaasha dhaqaale.
-Maxaa uga qorshaysan dhisida iyo horumarinta wadooyinka caasimada
iyo waddooyinka waddanka oo dhan si dhaqaaluhu u koro, isu socodka
bulshaduna u fududaado?

5-Ganacsiga.
-Xisbigan maxaa uga qorshaysan si uu u horumariyo ganacsiga
noocyadiisa kala duwan iyo dhiirigalinta ganacsiga iyo ganacsatada?

6- Tamarta, biyaha , deegaanka iyo dalxiiska.
-Maxaa uga qorshaysan laydhkan qiimihiisu yahay kuwa ugu qaalisan
adduunka ?

- Qorshaha ma ugu jirtaa xisbigan inuu caasimada oo dhan iyo
waddanka oo dhan u diyaariyo adeega biyo saafi ah oo joogto ah ,
sidee ayuuna ku gaadhayaa?
-Ma doonaya xisbigaasi inuu sameeyo ama dhiirigaliyo samaynta
tamarta dabiiciga ah sida cadceeda?
-Maxaa uga qorshaysan qashinka caasimada foolxumeeyay ,
caafimaadkana waxyeelaya waddanka oo dhan?
-Xagguu ka taagan yahay xisbigani beerista dhirta aynu xaalufinay
ee abaaraha keentay?
-Musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha maxaa uga qorshaysan?
- Xisbigan dalxiiska maxaa uga qorshaysan horumarintiisa ,waayo
SOMALILAND waxay leedahay goobo taarikhi ah?

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 5

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

7-Cashuurta.

F.G

Saamayn toosa kuma laha arrimahan .

-Sidee aynu xisbigani kaga qaadayaa cashuurta dadka oo dhan ,waayo in
yar ayaa imika bixisa?
-Sidee aynu ku damaanad qaadayaa in bulshada wax loogu qabanayo
cashuurta laga qaadayo?
-Muxuu ku qabanayaa cashuurta?

8- Dadka hawl-gabka ah.
-Maxaa uu u diyaariyay xisbigani dadka hawlgabka ah?

9- Ciidamada.
-Ciidamada maxaa uu xisbigani u diyaariyay ee uu ku dhiirigalinayaa?
-Ciidanka xuquuqdooda sidee ayuu ku ilaalinayaa?

10- siyaasada dibada iyo gudaha.
Ammaanka waddanka xisbigani ma ka dadaalayaa adkayntiisa?
-Qabyaalada ma ka dheeraanayaa xisbigani ,dadkana walaaltinimadooda
ma ilaalinayaa?
-Ictiraaf xisbigani sidee inagu gaadhsiinayaa?

11-Diinta
-Diinteena islaamka xisbigani ma inoo ilaalinayaa?
-Barashada iyo ku dhaqanka diinta sidee ayuu xisbigani u
dhiirigalinayaa?

(Akhriste suaal’aha iyo qodobaduba way ka badnaan karaan intan.Laakin
intani waa tusaalayaal).

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 6

QORAALADII AUGUST – APRIL

MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD,
MAXAANA LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

Waxa marag ma doon ah in dhammaanteen aynu bulshada kaalin kaga
jirno. Sidaa darteed qofkasta waa inuu qiimeeyo kaalintaa uu ku sugan
yahay cidii waxtar iyo horumarin u diyaarisay. Tusaale ahaan ardaygu
waa in uu doorto cida uu is leeyahay waxbarashada ayay horumar u
keenaysaa.Qaybaha kale ee bulshaduna sidaas oo kale waa in ay u
qiimayso.

Ugu dambayntii maqaalkani waxa uu ka hadlayay:
1-Sidii aynu uga faaidaysan lahayn nimcada ALLE ina siiyay oo ah
fursada aynu u helnay doorashada cid ina maamusha. Nimcadaas oo ay
suurtagal tahay in la ina waydiiyo maalinta qiyaamaha haddii aynu sida
ugu wanaagsan uga faaidaysan wayno.
2- Sidii lagu heli lahaa hogaamiye iyo dawlad dhista ummad la hiigsado
iyo dhul lagu soo hirto.
Waxaan rajaynayaa in maqaalkani uu fikrad inaga siiyay sidii aynu u heli
lahayn hogaamiye iyo dawlad loo aayo.

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 7

TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI
KARTID

1- AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya markaad hadaf samaynayso waa
inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi aanad aamisanayn
inaad noloshaada bedeli kartid , waxaad noqonaysaa mid fashilmay.
Balse waa inaad ALLE talo-saarato , aamintana inaad hadafkaaga gaadhi
karto.

2- SAWIRO. Waa inaad sawirato waxa aad rajaynsyso inaad qabato,
noqoto ama yeelato. Waa inaad sidoo kale sawirato waxaad u baahanayso
si aad u gaadho yoolkaga sida aqoon IWM.

3- QOR YOOLKAAGA. Qorista yoolkaaga waa dariiq muhiim ah oo aad
ku gaadhi kartid hadafkaaga. Haddii aad qori waydo yoolkaaga waxa
dhici karta inaad ilawdo.

4- OGAANSHAHA SABABTA AAD YOOLKAN KU DOORATAY.
Waxa fiican qofku marka uu yool leeyahay inuu ogyahay sababta uu
yoolkan ku doortay. Inaad ogaato sababta aad yoolkan u dooratay waxay
ku siinaysaa dhiirigalintii aad u baahnayd si aad hadafkan u gaadho. Isku
day inaad ugu yaraan u raadiso hal sabab oo cadaynaysa waxaad ku
dooratay yoolkaaga.

5- WAA INAY KAA GO’AN TAHAY INAAD YOOLKAAGA
GAADHO. Marka aad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad
go,aan adag qaadato, kaas oo ah inaanad is-dhiibaynin , niyad-jabaynina
kolka ay wadada aad yoolkaaga u maraysaa adkaato. Waxaanad mar
labaad ogsoonaataa in qodobka afraad uu yahay mida uu ku salaysan
yahay dhabar-adaygaaga iyo u sabrida dhib kasta oo kaa hor istaagta
inaad yoolkaaga gaadho.

6- NOQO MID KU MASHQUULSAN HADAFKIISA. Waa inaad
noqoto mid hadafkiisa ka fikiraya maalinkasta iyo wakhti kasta.
Waxaanad taa ku gaadhi kartaa inaad dhigto ama aad ku qorto
ahdaaftaada meel aad maalinkasta ka arki karto. Tani waxay kaa

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 8

TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI
KARTID

caawinaysaa inaad ogaato, is barbar-dhigtana waxa kuu qabsoomay ilaa
hadda iyo meesha aad rabto inaad gaadho si aad yoolkaaga u xaqiijisid.

7- DIYAARIN QORSHE AAD KU GAADHAYSO YOOLKAAGA.
Waa inaad diyaariso qorshe balaadhan oo aad ku gaadhayso yoolkaaga.
Waa inuu qorshahaasi ku jiraan wakhtigaad yoolkan gaadhi lahayd,
waxaad u baahan tahay si aad u gaadho hadafkan , IWM.

8- MA JIRO WAKHTI LA MID AH IMIKA. Markaad doonayso inaad
yoolkaaga gaadho waa inaad xiligan aad joogto aad ku dadaashaa
samaynta waxkasta oo kaa caawinaya inaad xaqiijiso hadafkaaga. Ka
faaidee wakhtiga aad hayso , iyo awoodahaaga imika , hana u dib dhigin
yoolkaaga mustaqbalka.

9- ISĶA WARHAYN. Waa inaad si aad u gaadho hadafkaaga, aad
naftaada balan kula gashaa inaadan is-dhiibaynin markay xaaladahu
adkaadaan , ee uu dariiqii aad u maraysay yoolkaagu uu noqdo mid
cakiran. Haddii aad ogtahay in aanad naftaaga dhiirigalin karayn
markay xaaladuhu adkaadaan , waxaad samaysan karta qof ku
dhiirigaliya , kuna tusa faaidooyinka iyo dheefta ku jirta gaadhista
hadafkaaga, si aanad u rajo-dhigin.

10- DIB-U EEGISTA AHDAAFTAADA. Waa inaad yeelata wakhti u
gaara qiimaynta ahdaaftaada. Waxaana wanaagsan markaad diyaariso
qorshihii aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga inaad samaysatana wakhti aad
ku qiimayso. Si aad u ogaato inaad u dhawaatay xaqiijinta
himilooyinkaagii kala duwanaa. Waxaanay dib-u eegistani noqon kartaa
mid bille ah , lixdii bilood hal mar, toddobaad kasta ,IWM.

Maqaalkan waxaan ka soo dheegtay: BRADLEY FOSTER.

Diyaarintii : Mohamed Mohamoud Ali 9

Sidee Mawduuc loo falanqeeyaa?

Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidii aynu uga dhigi lahayn
falanqaynta aynu falanqayno mawduucyada kala duwan ,ha ahaadaan kuwa ku
saabsan Siyaasada Dalka sida waxbarashada ,dhaqaalaha , IWM. Waayo
falanqaynta arrimaha dalku waa waxa inta badan bar-kulanka blushda lagaga
hadlo.
Mawduucyada iyo hadalada lagu falanqeeyo goobahaas sidii looga dhigi lahaa
qaar ku salaysan xog, aragti , khibrad , iyo fikrado , una noqon lahaayeen qaar
is-fahan iyo ixtiraam ku jiro , kana soo baxaan fikrado kala duwan iyo aragtiyo
midaysan oo ay ku ladhan yihiin xoog dhammaystirani ; waa mawduuca
maqaalkan.

Marka aynu doonayno inaynu mawduuc ku falanqayno goob ama bar- kulan
waa in aynu afar shay ku salaynaa falanqaynteena:

1- Xog. Xogtu waa waxa ugu muhiimsan ee qofku u baahan yahay marka uu
mawduuc ka hadlayo. Waxaana wanaagsan in qofku uu
diyaarsado xogtii uu u baahnaa , una diyaariyo si cilmiyaysan , uu
baadhana wakhti ku filan. Xogtaas oo uu ka heli karo meelo kala duwan
sida buug, internet , maqaal ,IWM. Balse haddii uu qofkaasi isaga oo aan
xog haynin uu doono inuu mawduuc ka hadlo waxa dhici doona inay
meesha timaado is-fahan la,aan iyo muran midho-dhalays ah.

2- Khibrad. Qofku marka uu doonayo inuu falanqeeyo ama aragtidiisa ka
dhiibto mawduuc waa inuu ku soo daraa waayo- aragnimadii uu u lahaa
mawduucan ,hadday tahay inuu yahay mid arrimahan ka shaqeeya , ama
uu yaqaan cid arrintan khibrad u leh. Tusaale ahaan qofka ku takhasusay
dhaqaalaha kuna shaqeeyay , wuxuu khibrad dheeraad ah u leeyahay sida
looga hortagayo , loona xalinayo dhibaatooyinka ku saabsan dhaqaalaha.
Taas oo ay dadka goobtaas la joogaana ay ka faaidaysanayaan aqoontiisa
iyo rayigiisa ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mawduucan laga
hadlayay. Walibana sidoo kale ay dadka goobtaas joogaana ay ka
faaidaysanayaan aqoon iyo talooyin ay isticmaali karaan markay u
baahdaan. Ayna ku maarayn karaan noloshooda.
Waxayna faaidadu dadka la fadhiyaa u badan tahay marka uu mawduucu
yahay mid guud sida mid ah :
( Maxaa dhulka qaaliyaynaya maalinkasta?)

Tusaale kale ,waxa isna goobta fadhiyi kara qof ay saaxiibo yihiin qof khibrad
u leh arrintan laga hadlayo. Isaguna waxa uu soo bandhigayaa talooyinkii iyo
khibradii saaxiibkii si looga baxo dhibaatooyinkan dhaqaale , waxayna aqoon
iyo talooyin u noqon karta dadka goobtan fadhiya.

Sidee Mawduuc loo falanqeeyaa?

3- Fikrad. Marka mawduuc laga hadlayo ama waxa laga qorayo waa in la
soo bandhigo fikrado kala duwan , fikradahaas oo la filayo inay xal u
noqon doonaan sidii loo horumarin lahaa mawduucan ama loo yarayn
lahaa dhibta ku jirta mawduucan la falanqaynayay.
Waxa sidoo kale inala fadhiyi kara bar-kulankan dad aan wax aqoon iyo
khibrad u lahayn mawduucan aynu ka hadlayno.Laakinse waxa fiican in
iyagana la dhagaysto rayigooda laba sababood awgeed.
Waa ta koowaade , suurtagalnimada inay keenaan fikrad aynaa hore uga
fikirin , oo marka aynu daraasayno noqon karta mid loo aayo.
Marka labaadna ,waa fursad cidkasta oo bar-kulankan fadhida ay
ra’yigooda ku dhiiban karaan. Taas oo astaan u ah tixgalinta iyo qadarinta
u dhaxaysa dadka goobtaas wada fadhiya.

4- R’ayi bixin . Waxa dhici doonta in inta la fadhiyo bar-kulankan la
is-weydaarsan doono xog , fikrado , iyo khibrado kala duwan.
Sidaa darteed marka uu qofkasta oo bar-kulankan fadhiyaa uu xogtiisa uu
hayay , fikirkiisa, iyo khibradiisaba ka dhiibto mawduucan laga
hadlayo, waa in qofkasta oo goobtaas fadhiyaana uu isna fal-celin ka
bixiyo fikrada, xogta ama khibrada uu saaxiibkood la wadaagay.
Waxaana haboon in qofkastaa uu si tixgalini ku jirto uu u qiimeeyo
hadalka saaxiibkii , isaga oo u cadaynaya inta uu ku raacsan yahay iyo
inta uu kaga soo horjeedo hadalka saaxiibkii , fal-celinta u bixinayana
ku salaynaya xogta uu hayo , khibradiisa iyo fikradiisa.

SU’AALO KU HABOON IN LA IS-WEYDIIYO MARKA

MAWDUUC LA FALANQEYNEYO

Maqaalkii hore waxaynu ku soo qaadanay SIDEE MAWDUUC LOO

FALANQEEYAA?
Maqaalkaas oo aynu kaga waranay sida ugu wanaagsan ee mawduuc looga
hadlo. Maqaalkaasi waxa uu ka hadlayay afar shay oo muhiim u ah sidii loo
heli lahaa falanqayn is-faham iyo ixtiraam ku dheehan tahay ,xog, fikrad iyo
khibradna la kala faaidaysto.
Waxa saldhig u ah falanqayn kasta hal mid :
Rayi-is-weydaarsi oo ay la macno yihiin hadalada sidan oo kale ah :
(Waa maxay aragtidaa ku saabsan ama sideed u aragtaa..........?
Waxa nidaamka, aqoon is-weydaaarsiga iyo habsami u socodka falanqayntana
gun-dhig u ah saddexdan:
Xogta , fikradaha iyo khibradaha uu qofkastaa ku qurxinayo kuna ladhayo
hadalkiisa iyo doodiisa.
Dhinac kale hadaynu ka eegno falanqayntu waxay leedahay su’aal iyo jawaab.
Su’aashu waxa u dhigma oo booskeedii metelaysa weedha Ray’iga ,tusaale
ahaan ( waa maxay Ra’yigaaga ku saabsan..... mawduucan?, jawaabta aad bixin
doontana waxa ku jira saddexdan ama midkood , xogtaad hayso, fikradahaaga
iyo khibradaad u leedahay su’aashaas hore lagu waydiiyay.
Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa :
(su’aalo ku haboon in la is waydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo).
Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa hab sawir ah, si macnuhu u
fududaado,qoraalkuna u soo koobmo. Su’aalahan marka aynu is weydiinayno
waxaynu isticmaalaynaa weedha (Ra’yi)
Tusaale ahaan AXMEDOW sideed u aragtaa (Ra’yigaaga) manhajkan cusub
ee loo sameeyay dugsiyada SOMALILAND?
Jawaabta AXMED waxaynu ku arki doonaa qaar ka mid ah saddexdii ahaa
qalabka su’aal lagaga jawaabo. Jawaabahaas oo noqon kara sidan oo kale:
Axmed Xogta uu ka hayey heerka ay taagnayd tayada manhajkii hore , ayaa uu
u adeegsan karaa inuu ku qiyaaso tayada manhajkan cusub. Sidoo kale Fikrado
lagu horumarin karo manhajkan ayaa uu ku soo bandhigi karaa Ra’yigiisa.
AXMED waxa uu qiimayn karaa manhajkan isaga oo isticmaalaya khibrada
uu u leeyahay mawduucan ama uu garanayo cid aqoon u leh mawduucan,
tusaale ahaan AXMED waa macalin dugsi sare.
Waa kuwan sua’alihii ku haboonaa in la isweydiiyo marka mawduuc la
falanqaynayo.

SU’AALO KU HABOON IN LA IS-WEYDIIYO MARKA
MAWDUUC LA FALANQEYNEYO

Ugu dambayntii su’aalahan sawirka ku qorani waa qaar aynu ku kala qaadan
doono aragtiyo kala duwan markaynu ka jawaabno. Kuwaas oo inaga caawin
doona inaynu xalal u helno baahiyaha kala duwan ee bulshada.
Waxaan ka soo qaatay buugga :
(Conversation Intelligence)
JUDITH E. GLASER.

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?

Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa:
SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?
Wakhtigu waa shayga ugu qaalisan ee qofkastaa leeyahay. Wakhtigu waa galad
ALLE oo u baahan in si wanaagsan looga faaidaysto, waana furaha aynu ku
hagaajin karno nolosheena adduun iyo akhiroba.
Waxa dhab ah in qofkasta oo noloshan gaadhay heer la hiigsado lagana
sheekeeyo , ay sabab u ahayd sida uu uga faaidaystay wakhtigiisa.
Marka laga hadlayo maaraynta wakhtiga waxa loo maarayn karaa siyaabo kala
duwan. Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa qaar ka mid ah:

1- Samayso qorshe wakhti dheer ah oo hawl-fulineed oo ku salaysan
hadafkaaga. Qorshahaas oo noqon kara sanad , afar bilood ama lix
bilood.
Qodobkani laba shay ayaa uu u baahan yahay , waa ta koowaade waa
inaad taqaan marka hore noocyada ahdaafta ee kala duwan.
Waayo inta badan nooc kasta oo noocyada ahdaafta ka mid ahi , waxa uu
u baahnaanayaa acmaal u gaar ah. Sidoo kale waxaa dhici karta in
ahdaaftaada qaar ay acmaal wadaagaan. Tusaale ahaan hadafkaaga ku
saabsan Caafimaadkaaga waa uu ka acmaal duwanaanaya kaaga ku
saabsan waxbarashadaada.
( maqaal kale ayaynu ku qaadan doonaa noocyada ahdaafta insha
Allah)
Marka labaadna waa inaad qorshaysaa hadafkasta hawsha iyo
acmaasha uu u baahan yahay in la qabto si loo gaadho. Waayo haddii
aanad qorshayn ama aanad garanayn hadafkan sida loo gaadhayo , waxa
kaaga lumaya wakhti badan inta aad kolba camal malayn ku dhisan ama
aqoon darro ku dhisan , aad ku tijaabinayso gaadhista yoolka aad
doonaysay inaad gaadho. Laakinse bal ila eeg markaad garanayso waxaad
doonayso ( HADAF) , garanaysana wadadaad u maraysay ( ACMAAL)
Tusaale ahaan waxaad doonaysay inaad miisaan iska rido
15kg..(HADAF)..muddo lix bilood gudaheed ah . Waxaad u baahan tahay
markaas inaad cunada iska yarayso , inaad jimicsato ama GYM gasho,
IWM. (ACMAAL)

2- Samayso jadwal todobaadle ah oo aad ku qorayso acmaasha aad u
baahan tahay inaad samayso todobaadkan si aad ahdaaftaadii kala
duwanayd u gaadho.
Sida aynu ogsoon nahay bilaha iyo sanadkuba waxay ka kooban yihiin
todobaadayo. Sidaa darteed acmaashii aad qorshaysay u qoondee wakhti
todobaad kasta , ilaa laga gaadhayo xilligii aad doonaysay inaad
yoolkaaga gaadho.
(OGSONOOW 6 BILOOD =24 TODDOBAD).

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?

Tusaalihii hore waxaynu ku soo qaadanay inaad doonaysay inaad 15kg
iska yarayso muddo lix bilood ah. Imikana waxaad is weydiinaysaa
qodobkan labaad su’aashan oo kale :
maxaan qabtaa todobaadkan iyo 23ka todobaad ee soo socda (acmaal) si
aan ahfaadtayda u gaadho? Tusaale hadafkii ahaa iska rid 15kg)
Todobaad kastana diyaari acmaasha ku haboon ee ku gaadhsiin karta
hadafkaaga. Sidoo kalena Todobaad kasta ama bilkastana is weydii
s’aashan:
Acmaasha aan todobaadkan ama bishan qabtay ma yihiin qaar
hadafkaygii ii dhaweeyay?
(Tusaale hadafkii ahaa iska-rid 15kg) ?
Acmaashana Waxaad u samayn kartaa tusaale ahaan sida tan :
Saddex maalmood GYM-ka tag , habeenkii cashada iska daa , IWM.
Qodobkani waxa uu kaa caawinayaa inuu noqdo hadafkaagii ahaa “6
bilood ka dib” iyo ahdaaftaadii kaleba ay noqdaan qaar ay acmaal
kooban oo aad si joogto ah u samayso todobaad kasta ay sabab u
noqdaan inaad gaadho .

3- Samayso saacad gaar ah maalin kasta , ama todobbaad kasta hal maalin
una qoondee camal u khaas ah.
Tusaalihii hore hadaan mar saddexaad soo qaato , maalinkasta oo jimce
ah waa inaad ciyaartaa kubbad ama lugaysaa ilaa 1km si miisaan kaaga
dhaco.
Tusaale kale habeen kasta saacadu markay tahay 9ka habeenimo ilaa
10ka dhagayso TAFSIIRKA idaacada QURAANKA ka baxa , IWM.
Qodobkani waxa uu ku haboon yahay hadafka noloshaada oo dhan
wanaajinaya oo ah barashada DIINTA. Waxaana ila fiican inaynu ka
dhigno wakhtigan mid gaar u ah Aakhirodeena. Waayo camalkani waxa
uu noqon karaa mid u dhigma xadiiski rasuulka (SCW) ee ahaa:
( camal la qabto waxa ugu wanaagsan ka uu qofka la imanayaa joogteeyo
haba yaraado camalkaasiye) (BUKHARI 6465).

4- Ka faai’dayso wakhtiga ku haboon shakhsiyadaada. Qofkastaa waxa uu
leeyahay xilli uu hawlo kala duwan qaban karo , una qaban karo si fir-
fircooni ku jirto. Dadkuna intooda badan waxay u qaybsamaan laba : qaar
subaxii fir-fircoon , iyo qaar habeenkii fir-fircoon. Markaas waa in
qofkastaa ogaado xilliga uu ugu fir-fircooni iyo feejignaan badan yahay ,
si uu (ACMAASHA) ahdaaftiisa gaadh-siinayasa u qabto wakhtigaas.
Tusaalihii hore waxaad doonaysay inaad iska rido miisan ah 15kg. Sidaaa
darteed waa inaad baadhid xilliga aad u malaynayso inaad fir-fircoon
tahay ee aad si wanaagsan u jimicsan kartid, ma subaxbaa , galab , mise
waa habeen? Dabadeeto acmaashaas qabo xilligaas.

SIDEE AYAAN WAKHTIGAYGA U MAAREEYAA?

Qodobkani waxa uu inaga caawinayaa inaynu ka faaidaysano wakhtiga
aynu dabeecad ahaan ugu waxqabad badnaan karno. Taas oo meesha ka
saaraysa inaynu camal qabano wakhti aynaa diyaar ahayn maskax ahaan
iyo nafsi ahaan , waxaana aynu ka badbaadaynaa wakhti inaga luma.

Ugu dambayntii marka aynu doonayno in aynu gaadhno hadaf ka mid noocyada
hadafyada , waxa aad u wanaagsan inta aynaa bilaabin in aynu marino kuna
qiyaaso afartan si wakhti aanu inooga lumin. Sidoo kalena isticmaalno
hababkasta oo aynu is leenahay wakhtiga ayay idinka caawinayaan inaad si
fiican uga faaidaystaan.

Waxaan ka soo qaatay buugga :
(10 shay oo aan jeclaa inaan ogaado inta aanan jaamacad bilaabin) (AF-
CARABI )
(DR YASIR ABDIKAREM BAKAR).

5 ARRIMOOD OO U BAAHAN INAYNU SAMAYSANO SI AY
NOLOSHEENU U WANAAGSANAATO.

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “5 arrimood oo u baahan
inaynu samaysano si ay nolosheenu u wanaagsanaato”. Arrimahani waxay
saamayn balaadhan ku leeyihiin hawlaha kala duwan ee aynu qabanayno xilli
kasta. Waxaanay u baahan yihiin qorshayn , diyaarin, cusboonaysiin iyo ka
warhayn joogto ah.

1- Samayso qoraal aad ku qorayso ahdaaftaada kala duwan. Qodobkani
waxa uu cadaynayaa in aad u baahan tahay inaad samaysato ahdaaf kala
duwan , kuna qor ahdaafan meel aad markasta ka daalacan karto sida
mobilekaaga ama u samee buug u gaar ah.

2- Samayso qoraal ama liis aad ku qorayso waxa aad doonayso inaad
qabato toddobaadkan. Liiskani waa ka lagu gaadhayo ahdaaftii aad
hore u diyaarsatay sida ku cad qodobka kowaad. Bal ila eega tusaale ina
tusaya sida liiska qodobka kowaad iyo labaad loo samaynayo:
 Liis Hadaf sida loo qorayo :
=Waa in aan Akhriyo 8 buug afar bilood gudahood oo buug kasta yahay
200-210 xaashiyood.
( qodobka 1aad tusaale)
 Liis todobbadle sida loo qorayso:
Waa inaan akhriyo Toddobaad kasta 105 bog . Qorista liiskan ka dib is
weydii suaa’shan: maalinkasta oo isla todobbad kaas ah imisa bog ayaan
u baahan ahay inaan akhriyo si aan u gaadho qorshahii todobaadkan ee
ahaa(105 bog akhri).
(Qodobka 2aad tusaale) .

Qodobka kowaad waxa ka farcamaya qodobka labaad , qodobka 2aad isagana
waxa ka sii farcamaya maalmihii toddobaadka oo iyaguna u baahan qorshayn.
Labadaas qodob ee kowaad iyo labaad waxa ku cad su’aal ah Maxaan qabtaa?
Laakiinse kuma cada su’aashani Sidee ayaan u qabtaa? Jawaabta su’aashani
waa mid inaga la inooga baahan yahay inaynu qorshayno sidii aynu ku gaadhi
lahayn.

3- Samayso qoraal aad ku ururinaysid dadka aad taqaano iyo meelaha
lagaga xidhiidhayo sida mobile ama Facebook IWM. Inaad samaysato
liis noocan oo kale waxa ay ka caawinaysaa inaad si fudud u heli kartid
qofka aad u baahan tahay xilligaad u baahan tahay. Tusaale ahaan liiskan
waxa ku jira doona dad hawlaha kala duwan iyo caqabadaha kaa hor iman
kara u noqon kara xal , hadday tahay hawl fududayn , arrimo la xidhiidha
ganacsigaaga ama ka caawin kara inaad ganacsi abuurto , la talin, ra’yi
bixin, caawimo lacag iyo naf ah, IWM.

5 ARRIMOOD OO U BAAHAN INAYNU SAMAYSANO SI AY
NOLOSHEENU U WANAAGSANAATO.

4- Samayso qoraal ama liis aad ku qorayso arrimaha aad doonayso
inaad horumariso ee ku saabsan naftaada. Horumarinta nafaheena
waa arrin muhiim ah waxaana laga horumarin karaa qofka saddex
meelood oo kala ah maskaxda , jidhka iyo ruuxda. Sidaa darteed mid
kasta oo saddexdan ah u samee qoraal aad ku sheegayso waxa mid kasta
aad ku horumarin doonto. Tusaale ahaan is weydii su’aalahan :
Maskaxdayda ,jidhkayga iyo ruuxdayda maxay u baahan tahay midkasta
si ay u sii wanaagsanaato? Dabadeeto hab qoraal ah ama liis ah u qor
midkastaa waxa uu u baahan yahay , intaa ka dibna diyaari qorshihii lagu
gaadhi lahaa.

5- Liis xaalado ay suuratagal tahay inay dhacaan. Qoraalkan waxa ku
haboon xaalado kasta oo carqalad ku ah hiigsigeena ku saabsan
nolosheena adduun iyo aakhiroba, waxaana ka mid noqon kara liiskan :
(Todoba arrimood ee u horeeyaa waa XADIIS rasuulka ‫ ﷺ‬ka
sugnaaday :TARMIDI 2306 )
 Geeri kado ah oo tawbad aanad haleelin .
 Xanuun noocyadiisa kala duwan.
 Faqri ku seejiya aakhiro oo kugu mashquuliya raadinta cunno ,
dhar,hoy aad seexato ,IWM ,
 Hodantinimo kugu abuurta kibir , isla-weyni , xadgudub iyo
adduun korodhsi.
 Gabaw ku fadhiisiya oo kaa dhiga mid aan waxba qabsan karayn ,
dadka ku tiirsan oo aan isku-filnaan karayn.
 Dajaal Cawr oo aad noqoto ka soo gaadha, waayo waa wax la soo
gaadho addunkan ta ugu xun sida ka sugnaatay rasuulkeena. ‫ﷺ‬
 Qiyaamaha oo ina soo gaadha inaga oo aan la iman camal aynu
rajaynayno inuu inaga yeelo dadkeeda ka gaabinay.
 Inaynu xabsi galno, dhimashada qof aynu jecel nahay iyo qaar
kale.

Qodobkani waa mid aynu dhiirigalin ka dhigan karno si aynu hiigsigeeni u
gaadhno inta aanay arrimahani ina haleelin.

Ugu dambayntii maqaalkan waxaynu ku soo qaadanay qoraalo ama liisas
ay muhiim tahay in la samaysto si aynu u gaadhno horumar la qiyaasi
karo. Markaynu saamaysano qoraaladan ka dib waxaynu dareemi doonaa
nolosheena oo noqotay mid habaysan oo meel ay u socoto leh insha
ALLAH.

5 ARRIMOOD OO U BAAHAN INAYNU SAMAYSANO SI AY
NOLOSHEENU U WANAAGSANAATO.

Kalmada liis = waa list luuqada ingiriisiga.

Waxaan ka soo qaatay maqaalkan:

(10 lists to keep if you want to be succesful)
DJORDJE TODOROVIC.

NOOCYADA AHDAAFTA

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa
“ noocyada ahdaafta”. Ahdaaftu sida aynu ku soo qaadanay maqaaladii hore ,
waa qaar imaga caawin doona inay noqoto nolosheenu mid habaysan oo leh
meel cayiman oo ay u socoto. Sidaa darteed waa in la samaystaa ahdaaf kala
duwan loona cayimo wakhtigii lagu gaadhi laha sida afar bilood , lix bilood ,
sanad , shan sanno, IWM.
Noocyada ahdaafta waxa ka mid ah;

1- Diini. Hadafkani waa hadafka ugu weyn ee ay tahay in aynu ku dadaalno.
Hadafkan oo ina gaadhsiinaya raalli ahaanshaha ALLE iyo
jannooyinkiisa.
Waxaana loo baahan yahay in hadafkan loo diyaariyo aqoontii iyo
camalkii lagu gaadhayay.

2- Caafimaad & Xarago. Hadafkan waxa soo gelaya arrimo kasta oo
caafimaadkeena ilaalinaya ama kor u qaadaya. Sidoo kale is- nadiifinta ,
xaragada iyo is-qurxinta diinteenu dhiirigalisay waxay soo gelaysaa
hadafkan. Hadafkani waxa uu la xidhiidhaa muuqaalkeena.

3- Xiriirka qoyska , asxaabta iyo bulshada. Hadafkani waxa uu ku
saabsanaan doonaa qoyskeena qaybihiisa kala duwan, asxaabteena iyo
bulshada sida aynu ula dhaqmayno. Sidoo kale hadafkan waxa
wanaagsan inaynu ku cadayno sidii aynu xidhiidhadaas uga dhigi lahayn
qaar wanaagsan.

4- Shaqo& Lacag samayn. Hadafkani waxa uu la xidhiidhaa sidii aad lacag
u samayn lahayd , lacagtaas oo aad naftaada iyo dadka kuugu dhaw aad
wax ugu tari lahayd , diintaadana ku qurxin lahayd. Tusaalayaal ku
saabsan hadafkan:
 Hadafkan waxa ku cad shaqada aad qabato ama aad qaban doono
mustaqbalka.
 waxaad ku qori kartaa hadafkan aqoonta aad jeceshahay inaad
barato ama takhasuska aad doonayso inaad qaadato iyo waliba
heerka jaamacadeed ee aad doonayso inaad gaadho.
 Waxaad ku qori kartaa hadafkan siyaabaha aad doonayso inaad
lacag ku samayso sida inaad ganacsi furato IWM.

5- Caawinta bulshada iyo samaynta raad kaa hadha dhimashadaada ka
dib. Hadafkani waa hadaf dadku badanaa ay moogan yihiin. Hadadkan
waxa lagu xaqiijin karaa siyaabo kala duwan sida inaad ku sadaqaysato
maalkaaga , aqoontaada , iyo awoodaada , kuna caawiso dadka u
baahan adiga oo abaalkeeda ALLE ka baryaya. ALLENA ugu
mahadnaqaya maalka , aqoonta , awooda ama xilka uu kugu manaystay.

NOOCYADA AHDAAFTA

Maqaal gaar ayaynu hadafkan qiimaha badan ku soo qaadan doonaa
haddii EEBE idmo.

6- Badbaado. Ahdaafta magacan leh waxa ka mid ah inayu barano arrimo
inaga caawin kara inaynu gaadhno isku-filnaan. Tusaale ahaan barashada
kaawiyada dharka , maydhista dharka , karinta cuntooyinka qaar ,
barashada iska difaacida cadawyada kala duwan sida tuugta , IWM.
Hadafkani waa mid inaga dhigaya qaar nafaheena ku filan oo aan cid aan
ALLE ahayn u baahnayn.

7- Waqtiga firaaqada & samaysashada hiwaayado. Hadafkani waxa uu
cadaynayaa in nafta ay u baahan tahay in loo raaxeeyo wakhtiyada qaar.
Waxaana loogu raaxayn karaa siyaabo kala duwan oo ku xidhan waxa uu
qofku xiiseeyo sida ciyaarista kubbada cagta , daawashada filimada ,
caways lala qaato asxaabta iyo dadka aynu jecel nahay , safarka , IWM.
Sidoo kale hiwaayaduhu waa qaar muhiim u ah in nafta lagu maaweeliyo
sida akhriska , qoraalka , IWM.

Toddobaddan nooc ee ahdaafta waa wadadii lagu gaadhi lahaa nolol isku dheeli
tiran oo qorshaysan. Waxaana cajiib ah in midkasta oo toddobadkan ahi uu ku
soo arooray diinteena suuban!
Ugu dambayntii aynu ku dadaalno inaynu samaysano toddobadan nooc ee
ahdaafta ah. Sidoo kalena aynu qiyaasno inta nolosheena ku jirtay ee inoo
qorshaysnayd maqaalkan ka hor. Walibana aynu ogsoonaano in toddobadan
nooc ee ahdaafta ahi ay xidhiidh leeyihiin oo aanay kala maarmayn. Waana
dariiqa lagu gaadhayo nolol xiise iyo ku dayasho leh , ALLE dhammaanteen ha
ina waafajiye!

LABA ARAGTI OO KU SAABSAN WAXA KEENA
SABOOLNIMADA

Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa mawduuc ka duwan mawduucyadii
hore ee aynu qaadan jirnay. Mawduucan oo aynu kaga hadli doono “Laba
aragti oo ku saabsan waxa keena SABOOLNIMADA”. Mawduucan oo aan
ahayn mid si toos ah inoo tusaya sababta dhabta ah ee keentay faqriga baahsan
ee ka jira adduunka. Balse waxaynu ku arki doonaa laba aragtiyood oo isku
dayaya inay ka jawaabaan waxa keenay SABOOLNIMADA.
Sida aynu la socono saboolnimadu waxay noqotay arrin adduunka oo dhan
saamayn ku yeelatay. Laakinse inkasta oo ay tahay arrin qadar iyo xikmad
ALLE , haddana bal aynu eegno waxyaabaha loo tiriyo inay yihiin sababaha
keena:

Aragtida 1.
Aragtidani waxay odhanaysa in qofka saboolka ahi uu isagu masuul ka
yahay saboolnimada haysa! Waxay leedahay aragtidani sidoo kale in bulshada
taarikhdeeda marka dib loo eego , in la arki doono in bulshadu ay muhiimad
badan siin jirtay in qofku isku-filnaado. Sidaa darteed heerka aad ku sugnaan
doonto ee dhaqaale waxa uu ku xidhnaan doonaa xirfadahaaga iyo
dadaalkaaga. Aragtidani waxay intaa ku daraysaa in bulshadu ay fursado
badan u soo bandhigayso cidkasta oo awoodaysa inay shaqaysato , doonaysana
inay fursadahan ka faai’daysato. Laakinse dadka saboolka ahi waa kuwo aan
shaqayn karayn waayo waxa aanay lahayn xirfado iyo aqoontii ay ku shaqayn
lahaayeen ama kaliya waxa aanay haysan dhiirigalintii ay shaqo ku qaban
lahaayeen!

Aragtida 2
Aragtidani waxa ay leedahay bulshada ayaa sabab u ah saboolnimada!
Waxaanay aragtidani leedahay ma jiraan adduunkan shaqooyin ku filan dadka
oo dhan. Sidoo kale dadaal la’aanta ka muuqata dad badan oo sabool ah waxa
sabab u ah fursad yaraanta shaqo ee jirta!

Ugu dambayntii labadan aragti midna waxay masuuliyada saboolnimada
saaraysa dadka saboolka ah. Halka aragtida kalena ay masuuliyada
saboolnimada bulsho haysa ay saarayso bulshada ay la nool yihiin.

Aragtida 1aad waxa leh OSCAR LEWIS.
Aragtida 2aad waxa leh WILLIAM JULIUS WILSON.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay buugga:

LABA ARAGTI OO KU SAABSAN WAXA KEENA
SABOOLNIMADA

SOCIOLOGY
JOHN J. MACIONIS.

WAA SIDEE CADHADAADU?

Maqaalkan waxaynu ku eegaynaa arrimo la xidhiidha Cadhadha. Cadhadu
waa dareen abuur ah oo ka mid ah lixda nooc ee dareenada qofku dareemo.
Cadhada waxa ku jira xikmado iyo faa’dooyin uu qofku ka helayo. Cadhada oo
ah mid qofkastaa uu dareemo , qofkastaana xilliyo kala duwan iyo siyaabo
dhawr ah uu ku muujiyo cadhadiisa. Haddana waxa muhiim ah in qofkasta
ogaado laba arrimood oo kala ah: Nooca cadhadiisu tahay inuu barto iyo
cadhada uu qofkani dareemayo sida ugu wanaagsan ee uu u muujin karo
ama u qarin karo. Labadaas qodob ayaynu maqaalkan ku qaadan doonaa.

Ugu horayntii dadka cadhadooda marka la qiyaasayo waxa loo loo qaybiyaa
afar nooc ama afar qof.

1- Qof ayaa waxa uu u cadhoodhaa si dhakso ah , laakinse wakhti
badan ayay qaadata inuu ka soo noqdo cadhadaasi.

Cadhada noocan oo kale waa ta ugu xun afarta nooc ee cadhada. Qofka
cadhadiisu sidan oo kale tahay waa qof arrin fudud ka cadhoon kara ,
haddana ay adag tahay in la raaligeliyo. Sidaa darteed bulshada la nool
waxa dhib ku noqonaysa inay la dhaqmaan. Dhibaatada cadhada qofkani
leeyahay ayaa keenaysa in dadku ka feejignaadan cadhadiisa . Sidaa
darteed dadku marka ay arkaan isaga oo arrimo aan macno badan lahayn
ka cadhooday , haddana ay wakhti badan qaadanayso inay cadhadu ka
degto . Waxa ay samayn doonaan inay keliya hadalkiisa dhagaystaan
waxa uu doonayna u qabtaan si cadhadiisa looga nabadgalo.

2- Qof dhakso u cadhooda laakinse cadhada hore uga soo noqda.
Qofkan noocan u cadhooda, kaliya waxa uu u baahan yahay in la barto ama la
saadaaliyo arrimaha ka cadhaysin kara , saadaalintaas oo inaga caawinaysa
inaynu iska ilaalino inaynu kala hadalno ama ku samayno arrimaha ka
cadhaysiin kara. Sidoo kale waxa aynu kula dhaqmi karnaa qofkan inaynu
barano arrimaha markiiba ka farxin kara. Inaga oo qiimaynaya khibradi aynu ka
aragnay cadhooyinkiisi hore!

3- Qof ay adag tahay sida uu ku cadhoodo , haddii uu cadhoodana aan
dhakso uga soo noqon.
Qofka sidan oo kale u cadhoodaa waa mid aynu ka dheehan karno in
kaliya arrin wayni ay ka cadhaysiiso. Balse cadhada ayuu ku raagayaa .
Sidaa darteed waxa haboon in sida shakhsiyadiisa ku haboon loo
raaligeliyo. Sidoo kale waa in la siiyo wakhti ay cadhadu kaga dagayso.

WAA SIDEE CADHADAADU?

Tusaale ahaan waa in aan la xasuusin arrinta ka xanaajisay ama qofkii ka
cadhaysiiyay.

4- Qof aan dhakso u cadhoon , haddii uu cadhoodana markaba ka soo
noqda cadhadaasi.
Cadhadani waa nooca ugu fiican noocyada cadhada. Waayo qofkan
arrin adag ayaa ka cadhaysiin karta , laakinse qofkani waxa uu isku
darsaday aqoon , dulqaad iyo ka-fiirsi. Saddexdaas isaga oo
isticmaalaya ayaa uu ku qiimaynaya xaaladaha ku haboon inuu ka
cadhoodo , iyo heerka cadho ee ay xaalad kastaa u baahan tahay.
Xaaladaha marka uu qiimaynayana kama eegayo kaliya xagiisa balse
waxa uu ka eegayaa waliba dhinaca arrinka cadhada ku keenay isaga oo
baadhaya sababaha keenay arrinkan , sidoo kalena u samaynaya cudur-
daaro cidii ka cadhaysiisay. Sidaa darteed waxa aad arkaysa isaga oo
isla markiiba faraxsan!

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku qaadanaynaa “su’aalo inaad
cadhooto inay sax tahay tahay aad ku ogaan karto”:

 Ma u cadhaysanahay qofkii saxda ahaa ee inaan cadhoodo sabab u
ahaa ?

 Wakhtigan aan cadhooday ma yahay xilligii ku haboona inaan
cadhoodo ama ma yahay xilligii aan cadhadayda muujin lahaa?

 Cadhadan aan cadhooday ma sababtay arrin runtii ah mid laga
cadhoodo?

 Cadhadan aan cadhooday fal-celintii aan ku qaabilay qofkii ama
arrinkii iga cadhaysiiyay ma ahaayeen fal-celintii ku habboonayd?

 Cadhadan aan cadhooday fel-celintii aan ka bixiyay ma ahayd mid
aanay ku jirin xad-gudub aan ka galay cidii iga cadhaysiisay?

 Cadhadan aan cadhooday wixii sababay muuqaal lagu qosli karo
oo cadhada iga yarayn karaa ma ku jiray?

Ugu dambayntii waa inaynu barano nooca cadhadeena. Kuna
dadaalo inaynu noqono dad aan hore u cadhoon , haddii ay
cadhoodaana , aynu noqono dad markiiba si fudud loo raaligalin
karo .Sidoo kale waa inaynu barana sidaa loo qiyaaso waxyaabaha
keenay inaynu cadhoono iyo sida ugu wanaagsan ee aynu

WAA SIDEE CADHADAADU?

cadhadaas uga jawaabi lahayn. Inaga oo markasta ku dedaalaya
inaynu noqono dad aqoontooda iyo diintoodu ay ka dhigtay qaar
xaaladaha kaga jawaaba dulqaad iyo ka -firsi joogto ah.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay labadan buug :
 With the prophet (ARABIC) SALMAN AL-AWDAH .
 Who will cry when you die ?
ROBIN SHARMA.

8 ARRIMMOOD OO QOF-KASTAA KU HAMIYO INUU
GAADHO

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “8 arrimmood oo
qofkastaa ku hamiyo inuu helo”.
Arrimahan oo ah qaar aad u qiimo badan. Qofkasta oo nolol dhammaystiran
dooonayana hadaad weydiiso , waxaad arki doonto inay ka mid yihiin
himilooyinkiisa. Waana kuwan iyaga oo dhammaystiran:

1- Inaynu noqono dad cibaadaysta oo ALLE ku xidhan. Kuna dadaalaya
inay samaha la yimaadaan dadkana gaadhsiiyaan. Sidoo kalena
xumaantana ka dheeraada dadkana wacyigeliya intay awoodaan
.Hamigooduna yahay raaligelinta ALLE .

2- Inaynu yeelano lacag iyo aqoon fara badan. Waxa dhab ah in dadka
oo dhammi ay lacagta jecel yihiin. Diinta islaamkuna waa ay dhiirigalisay
inuu qofku noqdo qof shaqaysta oo isku filaada. Faa’idooyinka lacagtu
leedahayna waxay ku soo ururaan laba: dheef adduun iyo mid Aakhiro.
Sidaa darteed inaynu ku hamino inaynu yeelano lacag , waa mid
nolosheena saamayn laxaad leh ku yeelan doonta. Sidoo kale aqoonta iyo
lacagta xidhiidh ayaa ka dhaxeeya inkastoo ay aqoonto ka wanaagsan
tahay!
Aqoontuna waxay inaga caawin doontaa inaynu lacagteena ku bixino
meelaha ku haboon ee uu ku jiro wanaaga adduun iyo Aakhiro.

3- Inaynu qabano shaqo qiimo iyo xiiso leh. Qofkastaa waxa uu jecel
yahay inuu qabato shaqo magac iyo maamus uu ka helayo. Una arkayo
inay tahay shaqo bulshada waxtar u leh. Tusaale ahaan dhakhtar ,
macalin , sheekh ,ganacsade , injineer,saxafi ,abwaan , askari ,IWM.
Waxaana hubaal ah in qofkasta oo shaqo qabtaa ha waynaato ama ha
yaraatee , inuu yahay mid Ka mid ah tiirarka bulshadu ku dhisan tahay ee
aanay la’aantii jiri karayn!

4- Inaynu haysano caafimaad. Caafimaadku waa galad aan wax loo dhigaa
jirin. Sidaa darteed aynu ALLE ugu mahadnaqno galadan , cida aan
haysana ALLE inuu siiyo ayaynu uga baryaynaa.

8 ARRIMMOOD OO QOF-KASTAA KU HAMIYO INUU
GAADHO

5- Inaynu helno qoys iyo saaxiibo jacayl iyo naxariis inaga dhaxeeyo.
Qiimaha ay leedahay inaynu lahaano lamaane , caruur , waalid , qaybaha
kale ee qoyska iyo waliba asxaab aynu wada qaadano wakhtiyo farxad
iyo xasuus leh. Waa mid aan qalin lagu tilmaami karin.

6- Inaynu yeelano guri weyn oo raaxo leh! Qodobkan oo ah mid layaab
kugu noqon kara. Laakinse marka aad is bar-bardhigo guri weyn iyo guri
yar adiga oo ka fiirinaya dhinaca faa’idooyinka iyo faa’ido
darooyinkooda labadaba , ayaad dareemi doontaa qiimaha qodobkaan.
Sidoo kale nabigeenu ‫ ﷺ‬waxa uu tilmaamay in guriga balaadhani uu
sabab u yahay inuu qofku noqdo mid farxad dareema. Waxa wariyay
xadiiskan :
IBNU XABAAN (4032) & IMAM AXMED ( 1448)

7- Inaynu helno wakhti aynu ku qabano waxaynu jecelnahay
nafaheenana ugu raaxayno. Qofkastaa waxa uu jecel yahay inuu arrimo
kala duwan qabto. Balse waxa laga yaabaa mashquul dartii inuu wakhti u
heli waayo. Tusaale ahaan qof ayaa laga yaabaa inuu dalxiiska xiiseeyo,
qof kale ayaa laga yaabaa inuu ciyaarista kubbada jecel lyahay . Qof kale
ayaa laga yaabaa inuu jecel yahay akhriska , IWM. Sidaa darteed
qofkastaa waxa uu ku hamiyaa sidii uu u heli lahaa wakhti uu ku qaban
karo arrimaha uu xiiseeyo.

8- Inaynu helno fursad aynu addunkan wax kaga badali karto.
Himiladani oo ah mid aad u muhiim ah balse bulshadeena aad moodo
inay moogan yihiin. Sidaa darteed inaad isku daydo inaad samayso raad
ama xasuus togan aad hadha waa mid lagama maarmaan ah. Laakinse
su’aashu waxa ay tahay sidee ayaan ku noqan karaa qof raad
wanaagsan ka tagi kara?

Jawaabta su’aashani meel fog ma jirto. Marka koowaad waxa aad ka
bilaabi kartaa kaalinta aad bulshada kaga jirto , tusaale ahaan hadaad
arday ama macalin tahay shaqadaada sida ugu fiican u qabo. Waxa
dabadeeto saamayn iyo raad muuqda kuu noqon doonta ku dayashada ay
dadku kugu dayan doonaan.
Marka labaad ogow waxaad ku fiican tahay. Marka aad ogaato waxa aad
ku fiican tahay kadib , baadh sida aad hibadaada bulshada ugu caawin
lahayd. Tusaale ahaan hadaad luuqadaha ku fiican tahay qoraalada afafka
qalaad ku qoran bulshada u soo gudbi , hadaad aqoon maadi iyo diini ah
leedahay u soo bandhig , xirfad hadaad leedahay dadka bar. Hadaad

8 ARRIMMOOD OO QOF-KASTAA KU HAMIYO INUU
GAADHO

waayi-aragnimo leedahay bulshada uga faa’idee . Adiga oo markasta ku
bilaabaya dadka kuugu dhaw.

Ugu dambayntii sideedan qodob oo aynu ku tilmaami karno qaar ay adag
tahay sida loo wada gaadho balse haddii aynu ALLE talo saarano ,
dadaalna la nimaadno aynu dhammantood wada gaadhi karno. Sidaa
darteed aynu ku dedaalno ka dhabaynta himilooyinkaas inaga oo ku
bilaabayna kuwa ugu muhiimsan.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay buugga :
Success principles.
JACK CANFIELD.

SHAN ARRIMOOD OO AYNU ADAYGA IYO
DHIBAATOOYINKA NOLOSHA KA BARAN KARNO.

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “5 Arrimood oo aynu
adayga iyo dhibaatooyinka nolosha ka baran karno”
Qofkasta oo adduunkan ku nool waxa soo gaadha dhibaatooyin fara badan .
Dhibaatooyinkaas oo caqabad ku noqda hiigsigiisa , saamayn ku yeesha
go’aamadiisa , kuna keeni kara niyad-jab iyo werwer joogto ah.
Dhibaatooyinkaas qofku marka uu aaminsan yahay inaanay marnaba nolosha ka
maqnayn, una arkana inay yihiin qaar uu casharo ka baran karo. Walibana
bulshada inteeda kalena ku dhiirigaliyo inay dhibaatooyinka La soo darsa u
arkaan cashar iyo inay yihiin qaar ka mid ah sunnaha nolosha adduunyo, waxa
uu noqonayaa mid ka badbaadiyay naftiisa iyo bulshadaba arrimaha kor ku
xusan ee ka dhasha imtaxaanada adduunka.

Casharada laga baran karo dhibaatooyinka nolosha inaga hor-yimaada waxa ka
mid ah:

1- Dhibtan kugu dhacday lagama yaabo inay dib kuugu dhacdo.
Waayo dhibtani inta aanay kugu dhicin ka hor maad filaynin inay
kugu dhacayso , ama maad garanayn sidaa ugu wanaagsan ee loo xalin
karo ama looga hortagi karo. Tusaale ahaan waxa kaaga dhacay ama
lagaa xaday mobilekaagii adiga oo bas saaran. In mobile-kaagu baska
dhexdiisa kaaga dhici doono ama adiga oo aan dareemayn lagaa saari
doono maad filayn. Waxaad garawsatay muddo kadib in dhacdadaasi
sabab u ahayd surwaalkaaga oo ahaa mid jeebkiisu balaadhnaa oo
mobileku ka dhici karayay adiga oo aan dareemayn markaad
fadhiisato!

Sidaa darteed inaad isku daydo inaad ogaato sababta kugu keentay
dhibtan iyo sidii mustaqbalka looga hortagi lahaa ayaa ka wanaagsan,
inaad murugo iyo niyad-jab kaga jawaabto.

2- Wakhtiga ka soo wareega markay dhib kugu dhacdo waa mid kaa
caawinaya inaad ilawdo dhibtii kugu dhacday ama xal u heshid.
Waqtigaas ka soo wareegay waa mid aynu ku baran karno sabirka iyo
u adkaysiga dhibaatooyinka. Waqtigaasi waa mid inaga caawin karaa
inaynu u helno xalal kala duwan dhibtan inala soo dersatay.

Waxa jira dhibaatooyin fara badan oo inala soo dersa oo aynu isla
markiiba xal u heli kari wayno , dhibaatooyinkaas oo aynu muddo ka
dib u aragno qaar iska caadiya , ama muddo ka dib aynu xal macquul
ah oo xalin kara dhibtan aynu helno. Tusaale ahaan sicir bararka ka

SHAN ARRIMOOD OO AYNU ADAYGA IYO
DHIBAATOOYINKA NOLOSHA KA BARAN KARNO.

jira SOMALILAND waa mid qoyska AXMED saameeyay , laakinse
markii wax laga qaban waayay in muddo ah , AXMED waxa uu isku
dayay ama uu ogaaday sidii uu isagu naftiisa iyo qoyskiisa sicir
bararkan oo jira ay haddana noloshooda u maarayn lahaayeen. Taasna
waxa keentay muddadii badnayd ee dhibtani jirtay . Wakhtigaas oo
dawo iyo cashar u noqday sida ay qoyskaasi uga bixi lahaayeen
dhibtaasi.

3- Xaaladuhu waa ay is bedelaan . Qofku waa inuu aamino inay xaaladaha
noloshu is bedelaan. Murugada , farxada, werwerka iyo niyad-jabku waa
qaar ay keenaan xaaladaha inaga hor imanayaa.
Dadka intooda badanina waa qaar jecel inaanay xaalduhu is bedelin. Dadku
waxay jecel yihiin nolol ay ka hor imanayso kaliya waxyaabaha ay jecel
yihiin ama nolol ay saadaalin karaan dhibaatooyinka ka hor iman kara.
Laaakinse casharka aynu ka baran karno dhibaatooyinka iyo xaaladaha
nolosha ee is gad-gadiyayaa waa:

 Inaynu aragno in isbedeladan iyo dhibaatooyinkan inaga hor imanayaa
ay yihiin qaar ay la socdaan fursado iyo nolol cusub oo ka gedisan
noloshii hore ee aynu ku noolayn. Tusaale ahaan waxaad waxbarasho
u aaday waddan kale , waxaad aragtay dhaqan ka gedisan kaad hore u
taqaanay , waxa kugu qasab noqotay inaad barato luuqad kale , IWM.
Laakinse waxaad ka faa’iday dhibaaatooyinkaas inaad noloshaadii ka
saartay deegaankii ay taqaanay ee ay saadaalin karaysay
dhibaatooyinka ka hor imanaya , tagtayna waddan ay adag tahay
saadaalinta dhibaatooyinka ka hor imanaysa. Sidoo kalena ka heshay
fursado badan iyo waayo-aragnimano aad ka faa’idi karto
mustaqbalka.

 Tusaale kale oo kooban , dhaqanka diinteenu dhiirigalisay ee ah In
subaxii xilli hore la kacno ay sunno tahay. Waa mid dhib iyo xaalad
cusub ku ah qofka aan xilligaas kici jirin. Waayo hurdada macaan iyo
caadadan uu bartay ayaa ka hor istaagaysa. balse wakhti ka dib
dhibtani waxay noqon doontaa mid ku caawisa inuu helo fursado iyo
wakhti uu arrimo badan ku qabsan karo.

4- Dhibaatooyinka inaga hor imanaya nolol maalmeedkeenu waa
qaar kalsoonideena kordhin kara. Kalsoonidan oo ka imanaysa
ka gudbista imtaxaano ALLE markii hore uu doonayay in uu ku
tijaabiyo inaad noqon karto ama aad tahay qof adkaysi leh oo isku
daya markasta inuu baadho siyaabo uu tijaabadan kaga gudbo

SHAN ARRIMOOD OO AYNU ADAYGA IYO
DHIBAATOOYINKA NOLOSHA KA BARAN KARNO.

karo. Sidaa darteed kalsoonidan aad ka heshay ka gudbida
imtaxaanadan kala duwan iyo sabirka aad la timid. Waa qaar kaa
yaraynaya wer-werka iyo cabsida aad ka qabto inay dhibaatooyin
kale kugu yimaadaan mustaqbalka.

Waxa hubaal ah in dhibkasta oo aynu la kulanaa ay yihiin qaar derajooyin leh ,
oo ay midkastaa ta kale ka culus tahay xalinteedu ama ka fudud tahay.
Waxaana suurtagal in marka hore aynu ka shakino awooda aynu u leenahay
xalinta dhibtan, laakinse waxaynu arki doonaa in dhibkasta iyo imtaxaan kasta
oo aynu ka gudubno. Aynu ka heli doono kalsooni aynu ku xalino dhibta kale ee
ku xigta . Tusaale ahaan qofka shan jeer shaqo laga eryay ee haddana markasta
shaqo helayay, waa uu ka fursad, waayo-aragnimo iyo kalsooni badan yahay
inuu shaqo helo mar lixaad haddii la eryo ama uu ka tago isagu shaqadaas.
Marka la bar-bardhigo qof markii u horaysay shaqo laga eryay ama ka tagay!

5-Cabsida iyo werwerka la socda dhibaatooyinka addunku waxay
ku barayaan naftaada. Sida saxda ah marka ay xaaladuhu kugu
adkaadaan cida aad caawimo bidaysa marka hore waa ALLE iyo
naftaada. Xilliyadan waxaad naftaada weydiinaysa waxay aqoon
hayso ee ku saabsan dhibtan , cid khibrad u leh arrinkan inay
garanayso iyo inaad ku dedaasho in aanay dhibtani kugu keenin wer-
wer joogto ah , niyad-jab iyo cadho keeni karta inaad dembi ku
dhacdo sida inaad QADARKA wax ka sheegto. Sidoo kale
imtaxaanada adduunka waxaad ku qiyaasi kartaa u adkaysiga aad
imtaxaanada adduunka u leedahay heerka uu gaadhsiisan yahay.
Tusaale ahaan qof ayaa waxa laga yaabaa inuu lacag yaraan ku sabiri
karo laakinse ay ku adag tahay inuu ku samro xanuun adag oo haleela.

Gunaanadka maqaalka waxynu ku soo koobayna in dhibkasta oo
inaga hortimaada aynu marka kowaad ogsoonaano in dhibaatadu ay
tahay sunnaha noloshan adduunyo. Marka labaad in dhibaatooyinka
aynu casharo kala duwan ka baran karno . Casharadaas oo aynu
bulshadana ku caawin karno sidii ay uga hor-tagi lahaayeen ama ku
xalin lahaayeen haddii ay dhibtaas aynu hore ula kulanay ay iyagana
la soo dersato. Caawintaas oo aynu inaguna ajar ALLE kaga helayno.
Marka saddexaad dhibaatooyinka iyo imtaxaanada inaga hor yimi iyo
sidii aynu u xalinay , waa qaar aynu kalsooni aynu dhib kasta ku xalin

SHAN ARRIMOOD OO AYNU ADAYGA IYO
DHIBAATOOYINKA NOLOSHA KA BARAN KARNO.

karno ka korodhsan karno marka aynu bulshada la wadaagno. Sida ku
cad maahmaahda Soomaaliyeed:
“Ragu waxa uu ka sheekeeyaa bi’iisa dumarkuna
badhaadha hooda.”

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay:

The 12 Invaluable Lessons Learned Enduring Hardship and Stress

Sherrie Campbell
Psychologist, Author, Speaker

Soo-jeedin
Dhibaatooyinka adduunyadan ku geedaaman ee wer-werka iyo cabsida inagu
keena sidee looga bixi karaa?
Ka daawo jawaabta su’aashan muxaadaradan qiimaha badan ee uu soo
jeedinayo :
SH MUSTAFE XAAJI ISMAACIIL.
https://m.youtube.com/watch?v=RK_4Iei6Pwo

HA XAD-GUDBIN HANA BAKHAYLIN!

Maqaalkan waxaynu si kooban ugu soo bandhigaynaa qiimaha uu
leeyahay samafalku. Inaga oo tusaalayaal kooban ka soo qaadanayna
Quraanka iyo sunnaha rasuulkeena SCW.
Sama falka haddi aynu si kooban u sharaxno waxa uu noqonayaa:
deeqsinimo ka hortagaysa bakhaylnimo , iyo caawimo inaga hor
istaagaysa dhib af ama gacan ah inaynu bulshada gaadhsiino.

Marka kale haddaynu dhinac kale ka eegno. Samo-falku waa lid-ka
labadan arrimood:

1- Sama-falku waa in aanad waxa ALLE kugu manaystay aanad
bulshada kala bakhaylin ee aad ku caawiso.

2- Sama- falku waa in waxa ALLE kugu manaystay aanay sabab u
noqon inaad dulmi iyo xad-gudub aad bulshada kula kacdo.

Sidaa darteed galadaha ALLE inagu manaysatay ee noocyada
badan leh sida lacagta , aqoonta , xilka , IWM . Yaanay inaga dhigin
dad bulshada kala bakhayla ama ku dhiba.Balse aynu noqono qaar
is taakuleeya ALLENA ajar iyo naxariis ka rajeeya!

Qaybta hore ee maqaalka waxaynu ku bilaabaynaa Quraanka Kariimka
ah.

AL BAQARA 195
ALLE waxa uu ina farayaa inaynu samaha iyo waxa kasta oo wanaagsan
samayntiisa ku dedaalno. Waxaana ALLE inoogu cadeeyay isla aayadaas
in ALLE jecelyahay samo-falayaasha. Taas oo dhiirigalin inoogu filan.

AL ACRAAF 56

Aayadan ALLE waxa uu inoo cadaynayaa in naxariistiisu ay u
dhawdahay dadka sama-fala. Sidaa darteed waa inuu wanaageenu ALLE
dartii ahaado. Walaalaheena muslimkana caawino inta karaankeena ah.

HA XAD-GUDBIN HANA BAKHAYLIN!
Sidoo kale waxa aayadan ku cad laba shay:
1- In qofku markasta oo uu badiyo samo- falka uu la imanayo sida
cibaadadiisa, naftiisa iyo bulshadaba. Waxaana uu aad ugu dhawaanayaa
inuu helo naxariista ALLE.
2- Aayadan waxa dhiirigalin inoogu tahay inaynu noqono samo-falayaal.

Qaybta labaad ee maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa saddex
xadiis oo ka hadlaya samo-falka.
Xadiiska 1aad. (Q1aad)

"Qofkii walaalkii wax ku anfaci karaa ha ku anfaco".
Xadiiskan waxa laga fahmaya in cidkasta oo walaalkiisa muslimka ah
waxa u qaban kara in aanu ka hakran.Waxtarkaas noocyadiisa lama soo
koobi karo.Laakinse qofku waa inuu markasta diyaar u ahaadaa inuu
caawiyo qof muslim ah goobkasta iyo goor kasta.

HA XAD-GUDBIN HANA BAKHAYLIN!

Suaa’l kooban.
Maxaan anigu ka dheefayaa hadaan walaalkayga muslimka ah
caawiyo?

1- Waxaad noqonaysaa mid u hogaansamay amarka Rasuulka SCW.
Qofka amarka rasuulka SCW adeecana waxa uu la mid yahay qof ALLE
amarkiisa u hogaansamay. Waxaanad ku helaysaa ajar la mid ah ka
adeecida ALLE aad ku helaysid!
(AL NISAA 80)

2- Waxaanad ku helaysaa adeecista Rasuulka, hanuunka uu ALLE kugu
hanuunin doono jidka toosan ee ALLE ku hanuuniyo cida Rasuulkiisa
amarkiisa u hogaansata.
(Al-nuur 54)

3- Cida amarka ALLE iyo Rasuulkiisa u hogaansataa waxay la jirankooda
noqon doonaan NABIYIINTA,SIDIIQIINTA,SHUHADADA iyo DADKA
WANAAGSAN.
(Al-Nisaa 69)

HA XAD-GUDBIN HANA BAKHAYLIN!

(Xadiiska 2aad)

Wanaag kasta oo aad la timaadaa waa sadaqo". Waxaana uu
leeyahay ajarka sadaqado hadaad niyaysato. Samaha iyo wanaaga
noocyadooda iyo tiradooda lama soo koobi karo.

Faaidooyinka xadiiska 2aad waxa ka mid ah:
1- In la isku dhiirigaliyo samaynta wanaaga iyo in aan khayrka iyo
samaha la yaraysan tiro iyo nooc ahaan.
2- Samahu waa laba nooc mid ficil u baahan iyo mid hadal kaliya u
baahan ama qaar labadaba u baahan.
3- Sidoo kale xadiiskan waxaynu ka baran karnaa fudaydka diinta iyo
sida ay samaynta samahu ay u gaadhay dadka oo dhan.

Waayo samaynta samaha iyo wanaagu kaliya uma gaara ah cida lacag,
maal ama xil haysa. Laakinse waa mid qofkastaa uu samayn karo noocyo
ka mid ah samaha sida DIKRIGA , LA TALINTA AZXAPTA , KA
FARXSIINTA QOF MURUGAYSAN ,TILMAAMINTA QOF ASQOOBAY
OO MEESHII UU SOCDAY GARAN’LA , IWM.

Xadiiska 3aad

HA XAD-GUDBIN HANA BAKHAYLIN!

Ma doonaysaa in ALLE ku jeclaado?

"ALLE dadka waxa uu ugu jecelyahay kuwooda ugu waxtarka
iyo anfaca badan adoomihiisa". Acmaasha dadka lagu anfacana
waxa uu ugu jecelyahay ka farxinta qof muslim ah". Sidaa darteed cidii
rabta in ALLE jeclaado adoomaha ALLE ha caawiyaan inta
karaankooda ah.

Ugu dambayntii maqaalkan kooban oo xasuusin iyo dhiirgalin inoogu
noqon kara sidii aynu la imaanshaha samaha marka ugu dadaali lahayn.
Sidoo kalena maqaalkani waxa uu hordhac u yahay maqaal kale oo aynu
mustaqbalka qaadan doono haddii EEBE idmo.

Maqaalkan waxaan ka soo qaatay

TAFSIR AL-SACDI

https://www.almaany.com/ar/thes/ar-ar//‫إحسان‬

https://ar.islamway.net/spotlight/1132

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 1AAD

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa “sidee buug loo
akhriyaa?”
Aqoontu waa furaha badhaadhaha adduun iyo aakhiro. Sidaas awgeed aynu
bal eegno laba tusaale oo quraanka kariimka ah ku jira oo aynu ka
dheehan karno qiimaha aqoonta.
Culimada ISLAAMKU waxay yidhaahdeen nabi MUXAMMED ‫ ﷺ‬ALLE
waxa keliya ee uu ku yidhi iga dalbo inaan kuu kordhiyo waa aqoonta. Sidoo
kale ALLE waxa uu Nabi NUUX ‫ ﷺ‬uga digay inuu ka mid noqdo kuwa jaahi-
liinta ah!

Akhrintu waa hab ka mid ah hababka aqoonta lagu korodhsado. Waxaana aynu
odhan karnaa akhrisku waa sababta ay horumar ku gaadheen inta badan
bulshooyinka caalamku. Sidoo kale akhrisku waa xuriyad iyo hoy uu qofku ku
akhrisan karo mawduucyo badan , ku baran karo dhaqammada iyo fikradaha
bulshooyin kala duwan. Walibana u noqon karta meel uu kaga dhuunto ama ka
helo xalalka dhibaatooyinka adduunyo ee tirada badan!

Ugu horeyn , siyaabaha ugu wanaagsan ee buug loo akhriyo waa tiro badan
yihiin . Waxaynu ka soo qaadan doonaa hal nooc oo ka mid ah. Laakinse
isticmaalka noocani waxa uu ku xidhnaan doonaa baahida , xiisaha ama
adayga aad buuggasi kala kulanto. Sidaas darteed buug kastaa uma baahna in
saddex jeer la akhriyo!

Marka aad buug akhriyayso waa inaad akhridaa buuggaas 3 jeer.

Akhrinta buug keliya saddex jeer waa arrin culus oo u baahan sabir iyo
wakhti. Balse waa habka ugu wanaagsan ee buug loo akhriyo. Habka
noocan oo kale marka buug loo akhrinayo waxa uu kaa caawinayaa inaad
buggaasi sida ugu wanaagsan ugala bixi doontid xogta ku jirta.
Waxa dhici karta marka ugu horeysa ee aad akhrido buuggaas inaad
meelaha qaar aad si fudud u fahmi kartid . Waayo tusaale ahaan hore
ayaad u maqashay xogtan uu ka hadlayo. Sidoo kale waxa dhici karta in
aanad hore u fahmin qaybo ka mid ah. Balse muddo ka dib markaad dib u
akhrido aad fahmi doonto. Sababtuna waxay noqon kartaa maskaxdaada
oo kortay ama fikirkaaga iyo aragtidaada oo kobcay awgeed .
Waxa sidoo kale dhiirigalinaya in habkan wax loo akhriyo Quraanka
kariimka ah.

Suuratul IQRA laba jeer ayay kelmada AKHRI ku soo aroortay.
Faa’idooyinka ay culimadu ku sheegeen sababta ay kelmadani dhawr jeer u soo
noqotay waxa ka mid ah:

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 1AAD

1. Si aanay dadku u moodin in akhrisku yahay marxalad dhammaanaysa.
Waxa dhacda in dad badan ay wax akhris ugu dambayso maalinta ay
jaamacad ka baxaan! Arrintaas oo ah mid aan fiicnayn, waayo
maalinkasta aqoonta ay dadku gaadhaan waa ay korodhaa. Sidaa darteed
qofkasta waa inuu la socdo waxkasta oo ku soo kordha shaqadiisa.
Tusaale ahaan haddii buugaag cusub laga qoray ama xirfado cusub oo
shaqadiisa la xidhiidhaa soo baxeen. Taas oo ka caawinaysa inuu xejisto
booskiisa shaqeed. Waxaana la mid ah barashada diinta islaamka oo
iyaduna u baahan in lagu jiro barashadeeda ilaa geeridu ka imanayso.

2. Akhrinta koowaad naftaada ayaad u akhrisanaya. Waxa laga yaabaa
inaad jeceshahay akhriska , xiiso aad u haysay mawduuca buugaasi ka
hadlayay . Kuwaas oo sabab u ahaa inaad buuggaas akhrido.
Akhrinta labaad waxay kuu noqonaysaa ku-celin si aanad u ilaabin
meelihii muhiimka ahaa iyo isku dayida inaad fahamto meelihii kugu
adkaaday.
Akhrinta saddexaad bulshada darteed ayaad u akhriyaysaa si aad ugu
soo gudbiso! Qofka muslimka ahi maaha xaasid iyo danayste midna .
Balse waa qof jecel inuu gaadhsiiyo walaalihiisa waxkasta oo anfacaya
adduun iyo aakhiroba.

Ugu dambeyntii akhrisku waxaynu ku gaadhi doonaa bulshooyinka caalamka.
Laaakinse xaqiiqda jirta ayaa ah in bulshada Soomaalidu ay ka jecel yihiin
dhegeysiga. Taas oo keentay in dhegeysiga uu noqdo habka koowaad ee aynu
aqoonta ku korodhsano. Dhinac kale haddaynu ka eegno in akhrisku yaraado
waxa keenaya yaraanta buugaagta Af-Soomaaliga ku qoran ee qofku akhrisan
karo . Waxaanay natiijadu noqotay in qofka isku daya inuu wax akhriyo, uu inta
badan fursad u helo akhrinta sheeko faneedka. Sheekoyinkaas oo aanay faa’ido
ka maqnayn. Waxaanay ka caawin doontaa kobcinta awooda hindiseed ee
qofka iyo inuu la qabsan doono barashada caadadadan adag balse haddana
qiimaha badan ee akhriska.

Qaybta koowaad ee maqaalkan waxaan ka soo qaatay:

WITH THE PROPHET (SALMAN AL AWDAH)
Af-Carabi)
TAFSIR AL WASEET
TAFSIR AL SHAW-KANI

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 1AAD

F.G

1 . Waxaad ka dejisan kartaan linki-ga hoosta ku yaal HAYAAN
MAGAZINE. Oo aad ka akhrisan kartaan ilaa saddex maqaal oo ku saabsan
horumarinta nafta. Maqaaladaas oo mid ka mid ahi si guud uga hadlayo
horumarinta nafta iyo waxay tahay. Waxa sidoo kale ku jirta sheeko ka mid ah
sheekooyinka KUN HABEEN IYO HABEEN!

Mahadsanidin.
Link 1
https://document.li/a13CLink 2
Link 2
http://docdro.id/OBFHrkI

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 2AAD

Waxaynu ku qaadan doonaa qaybtan labaad ee maqaalkan “siyaabo loo-gala
soo bixi karo xogta , fikradaha iyo khibradaha buug ku jira”. Waxa jira
habab kala duwan oo aqoon loo-gala soo baxo buug.
Marka aynu buug akhriyayo waa inaynu is-weydiina dhawr su’aalood .
Su’aalahaas oo aynu is-weydiin doono ka-hor intaynaa bilaabin akhrinta
buuggaas , inta aynu ku guda jirno akhrinta buugaas iyo markaynu
dhammayno ka dib.

Marka koowaad inta aynaa bilaabin akhrinta buuggaas su’aalaha aynu is
weydiin karno waxa ka mid ah:

1. Maxaan ka ogahay mawduuca uu buuggani ka hadlayo?
Si aynu su’aashan uga jawaabno waa in aynu marka hore fiirino
tusmada buuggas iyo cutubyada uu ka kooban yahay. Inaga oo
qiimaynaya cutubyada buuggas , iskuna dayaya in aynu xasuusano in
aynu xog hore ka haynay mawduucyada buuggan ku qoran.

2. Waa maxay mushkilada uu isku deyayo inuu xaliyo buuggani?
Buugaagta intooda badani waxa ay isku dayaan inay xaliyaan
dhibaatooyin. Sidaas darteed buugaagta inta badan waxa la soo raaciya
qoraal cadaynaya sida ugu fiican ee aad uga faa’idaysan karto iyo waliba
ujeedada loo qoray ( hordhac). Sidaa awgeed waa in aynu isku dayno in
aynu saadaalino ujeedada buuggaas loo qoray inaga oo isticmaalayna
hordhaca buugga.

Marka labaad su’aalaha aynu is weydiin karno inta aynu ku guda jirno
akhrinta buuggas waxa ka mid ah:

3. Haddii aan ugu yaraan 3 shay ka faa’idaysan lahaa buuggan maxay
noqon lahaayeen?
Marka aynu akhriyayno buug iyada oo ujeedadeeno tahay helista xog ,
fikrado iyo khibrado aynu nolosheena ku saxi karno. Waxa ay natiijadu
noqon doontaa in ay si wanaagsan maskaxdeenu ugu soo jeedi doonto
akhrinta buuggaas. Taas oo inaga caawinaysa inay meesha ka baxaan
wax-kasta oo inaga mashquulin lahaa akhrinta buuggas sida taleefanka.

4. Waa sidee habka uu qoraagu u soo bandhigayaa aragtidiisa?

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 2AAD

Marka aynu ku jirno akhrinta buug kaliya kuma fikireyno inaynu wax ka
faa’idaysano. Balse waxaynu qiimeyneynaa habka uu wax u soo
bandhigayo qoraagu sida tusaalayaasha uu ku ladhayo xogaha iyo
aragtiyooyinka , luuqada uu isticmaalayo iyo waliba inay arrimaha uu soo
bandhigayaa aanay ka hor imanayn xogtii aynu hore uga haysanay
mawduucan ama ay li-di ku yihiin mabaadi aynu aaminsanayn , IWM.
Sidoo kale waxaynu ka baran karnaa luuqada uu isticmaalayo qoraagaasi
sida ugu wanaagsan ee bulshada qoraal loogu soo bandhigo.

5. Ma jiraa arrimo aanan fahmin hadda oo u baahan inaan ku celiyo
akhrintooda mar kale?
Marka aynu akhriyayno buug waxa muhiim ah inaynu calaamadino
meelaha aynu hore u fahmi weyno. Arrintan oo ah mid aynaa inta badan
xoogga saarin. Waayo waxa jiri kara hawlo kale oo u baahan in la qabto
ama waxa inaga maqan xirfadihii iyo awoodihii aynu ku fahmi lahayn
mawduucan sida ku cad qeybtii hore ee maqaalkan. Si kastaba ha ahaatee
waxaynu ka dhigan karnaa meelahan adkaaday ca-rin aynu nafaaheena
ku bari karno inay caqabadaha ka hor yimaada ku xalin karaan. Dhinac
kale hadaynu ka eegno dhibtaas yar ee inaga hor timi waxaynu kaga bixi
karnaa in aynu weydiino qof inooga aqoon badan!

Marka saddeexaad su’aaalaha aynu is weydiin karno marka aynu buugga
dhaammayno akhrintiisa waxa ka mid ah:

6. Si guud buugan akhrintiisa ma faa’ido ayuu Ii ahaa mise faa’ido
darro?
Runtii ma jiro buug qofku marka uu akhriyo aanu wax ka faa’idin. Buug
kastana ugu yaraan hal shay oo aynu nolosheena iyo bulshadaba ku
wanaagin karno ayaynu ka helaynaa.
Akhrinta buugtuna iyo inaad waxtar ka hesho waxay ku xidhan tahay ugu
horeyn sababta aad ku dooratay akhrinta buuggaas.
Sidaas darteed waxaynu odhan karnaa marka aad dhammayso akhrinta
buug waa inaad qiimeysaa inta cutub ee kugu adkaaday intaad
akhriyaysay buggaas. Sidoo kalena aad qiimaysaa inta cutub ee ku
fududaa intaad akhriyaysay. Dabadeeto is bar-bardhig ku samayso
labadaas. Intaas ka dib waa inaad haddana is-bardhigto aqoonta aad hore
u taqaanay ee buuggaas ku jirtay iyo inta kugu cusbayd.

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 2AAD

Qiimayntaas ayaad ku qiyaasi kartaana in buugani u baahan yahay ku ce-
lin iyo in-kale.

7. Isku day inaad soo koobtid nuxurka uu ka hadlayo buuggani ee ku
anfacay.
Akhrinta buug ka dib waxa fiican in aynu buug gaar ah u samayno
casharadii aynu ka baranay buuggaas. Buugagtaas aynu ku soo koobnay
aqoontii ku duugnayd buugaag fara badan oo aynu akhrinay , waxay
inaga caawinaysa in aynu si fudud markasta u helno xogta aynu u baahan
nahay. Sidoo kalena aynu bulshada la wadaagno aqoon la soo hufay.

Gunaanadka maqaalkan waxaynu si kooban isugu soo xidhaynaa
qodobada kor ku xusan.
Marka koowaad isku-dey inaad ogaato waxa uu ka hadlayo buugani
adiga oo akhriyaya tusmada buuggaasi . Qodobkani waa qodobka
saamaynta ugu badan ku yeelan doona inaad si niyad-sami ah u
dhammayso akhrinta buuggas . Sidoo kale inta aanad bilaabin akhrinta
buugaas isku-dey inaad ogaato fariinta uu gudbinayo qoraagu ama
mushkilada uu isku deyayo inuu xal u helo.
Marka labaad inta aad ku guda jirto akhrinta buuggaas waa inay
maskaxdaadu soo jeedo. Sidaa darteed isku day inaad calaamadiso
meelaha ku cajabiya , meelaha kugu adkaada iyo inaad si guud u
qiimayso qoraaga.
Marka saddexaad marka aad dhammayso akhrinta buuggaas isku dey
inaad dib u milicsato meelihii aad calaamadisay . Dabadeeto is bar-
bardhig cutubyadii kuu fududaa iyo kuwii kugu adkaaday.
Ugu dambayntiina isku dey inaad buuggas iyo buug kasta aad akhrido
inaad soo koobtid , buugaag u gaar ahna u samaysid.

SIDEE BUUG LOO AKHRIYAA ? QAYBTA 2AAD

Waxaan ka soo qaatay maqaalka ciwaankiisu yahay :
I Use These 7 Questions To Remember Everything I Read.

Sheba Leung

F.G

1. Maqaalkan waxaan sidoo kale idinla wadaagi doonaa buug aad u xiiso badan.

Buuggaas oo magaciisu yahay “ SIDEE AYUU ULA DHAQMAY? Buuggas oo ka

‫ﷺ‬hadlaya sidii uu rasuulku ula dhaqmi jiray bulshooyin kala duwan. Tusaale

ahaan sidii uu ula dhaqmi jiray xaasaskiisi , caruurta , waayeelka , xayawaanka iyo

qaar kale oo fara badan! Inkastoo buuggasi ku qoran yahay af-carabi iyo af-ingirisi.

Haddana waa buug runtii aad u qiimo badan.

A.Link-ga buugga oo af-carabi ah:
https://document.li/Zm51

B.Link-ga buugga oo af-ingirisi ah:
https://document.li/24Kq

Dhamman cid-kasta oo wakhtigooda qaaliga ah ku bixisay akhrinta

maqaaladan waxaan rajaynaa inaad ugu yaraan hal shay ka
faa’idaysateen.

Fadlan la wadaaga cidaad jeceshihiin.

Mahadsanidin .

QORMOOYINKA RAMADAANTA

Maqaalka qormadan oo ugu horeyn doona maqaalo dhawr ah oo aynu ku
wadaagi doono qodobo inaga caawin doona sidii aynu bishan barakysan uga
faa’idaysan lahayn.
Ugu horeyn inta aynaa guda-gelin qormadan waxaynu ALLE ka baryaynaa
inuu inaga yeelo qaar laga aqbalo soomka iyo acmaasha kale ee aynu ku
noolaynayno bishan barakaysan ee Rammaddan.
Waxaynu soo qaadan doonaa toddoba qodob oo haddii aynu la nimaadno
inaga caawin doona inaynu ka faa’idaysano bishan barakaysan haddii EEBE
idmo. Waxaana xusid mudan in qodobada qaar ay camalo badan hoos iman
karaan . Balse aynu qaar ka mid ah tusaalayaal u soo qaadan doono.
Sidoo kalena waxa xusid mudan in dad badani ay qorshayaal iyo
barnaamijyo ay kaga faa’idaysanayaan bishan Ramadan ay diyaarsadaan.
Barnaamij-yadaas oo qodobadani ay ku jiri karaan. Qodobadan haddan si
kooban u sheego inta aynaa u gelin iyaga oo faah-faahsan waxay kala
yihiin :
 ALLE-KA CABSI.
 SABIRKA ; CAFINTA IYO DULQAADKA.
 MAHADNAQA
 XUSKA ALLE
 DEEQSINIMADA IYO WAX-BIXINTA
 AQOON-KORODHSI
 ISLA-XISTAABTAMISTA IYO KA TAWBAD KEENISTA GAABISKA IYO
DEMBIYADA

1. ALLE-KA CABSI
Marka hore waxaynu odhan karnaa qodobkani waa ujeedada laga leeyahay
soomka. Sidaas darteed qodobada Kalena waxa ay inaga caawin doonaan
inaynu gaadhno qodobkan. Walibana qodobkani waa magaca ay leeyihiin
dadka ALLE ku xusay quraanka inay yihiin dadka jannada dhaxli doona.
Qodobkan waxaynu ka soo qaadan laba camal : soomka iyo salaada. Ugu
horeyn soomka ujeedooyinka ugu waaweyn ee loo waajibiyay waxa ugu
horeeya ilaalinta carabka iyo xubnaha kale sida maqalka iyo araga.
Tusaale ahaan carabka oo laga ilaalinayo inuu ka dhaco hadal xun ama aan
faa’ido lahayn . Sidoo kalena laga dheeraanayo waxkasta oo bulshada kala
duwan gaadhsiin kara dhibaato . Soomka ujeeda-diisuna maaha in laga
dheeraado cunada iyo cabitaanka , balse waa in laga dheeraado waxyaabaha
xun sida xanta , beenta , cayda , IWM.
Sidaas awgeed marka aynu ku dedaalno in aynu iska ilaalino arrimahan iyo
dhaqamada kale ee xun af iyo gacan-ba , kuna bedelno hadalo iyo ficilo
wanaagsan ; waxaynu noqon doonaa qaar u dhaw in soomkooda la aqbalo.

Camalka labaad ee aynu qodobkan ku eegi doono ayaa ah ilaalinta salaada
bishan barakaysan. Waxaynu si kooban u xusi doonaa xidhiidhka ka
dhaxeeya salaada iyo soomka oo aynu odhan karno : soomku waxa uu
gaashaan iyo deyr ka yahay oo uu inaga hor-joogaa shahwadii nafta ,
waxaana uu inaga ilaalinayaa inay inaga dhacaan hadalo ama ficilo wax yeeli
kara soomkeena , sidoo kalena salaaduna waxay inaga caawinaysaa inaynu
ka dheeraano arrimahan xun wakhti kasta haddaynu joogteyno . Waayo
salaadu waxay bedeshaa oo ay raad ku leedahay dhaqankasta oo xun oo
qalbigeena saamayn ku leh .
Salaadu marka hore waxay ka soo bilawdaa suubinta qofka qalbiga inta
aanay u soo gudbin xubnaha oo uu ugu horeeyo carabku . Tusaale ahaan qof
ayaa waxaad arki kartaa inuu salaada ku dedaalo , balse ay ku adag tahay
iska ilaalinta hadalada iyo ficilada xun. Laakinse marka qofkaasi loogu daro
soomka waxaynu odhan karnaa qofkaasi waxa uu helay wado kale oo
dheeraad ah oo ka caawin karta suubinta qalbigiisa iyo xubnihiisa , waayo
suubinta carabka iyo xubnaha kale .. ( kana mid ah ujeedooyinka salaada
) ..haddi uu la iman waayo , waxa ay khatar iyo dhib ku tahay soomkiisa.

7. IS-XISAABIN
Qodobkan oo aynu odhan karno waa qodob aan ka maqnayn , markastana
ku jira lixda qodob ee kale. Kuna iman doonaa hab su’aalo ah. Sidoo kale
qodobkani waa ka ugu muhiimsan ayna ugu adag tahay fulintiisu ama
joogtayntiisu.
Habka aynu u fulinayno qodobkan ayaa ah inaynu dib u eegno
maalinteenii , inaga oo qiimeyn ku samaynaya waxaynu qabanay. Su’aalaha
ka iman kara qodobka koowaad waxa ka mid ah :
( su’aaluhu intaas way ka badan karaan waanay ka yaraan karaan)

SOOMKA
 Soomkaygii maalintan ma ahaa mid aan ka ilaaliyay dhaqamada xun ee
soomkayga wax yeeli kara sida xanta , beenta , aflagaadada , IWM ? Hadday
jiraan dembiyo iga dhacay maxay ahaayeen 1,2,3 ....?
 Waa maxay xaaladaha keenay inay iga dhacaan ? Maxaana igu kalifay ?
 Goorma ama xaaladee ayaa sabab u ah ama aan u nugul ahay inay iga
dhacaan?
 Sidee ayaan maalmaha dambe uga hortagi karaa?

SALAADA
( Su’aalaha ku saabsan salaadu waxay ku xidhnaan doonaa qofkastaa heerka
uu taagnaa Rammadaan ka hor.)
 Shantii salaadood maanta ma ilaaliyay? Haddan ilaalin jiray sunnayaasha

ma ku daray?....
 Imisa salaadood ayaan jamac ku tukaday?
 Imisa sunne ayaan tukaday? .....,IWM

Marka aynu dhamayno xisaabinta maalinteeni , waa in aynu markaas wixii
inaga farxiya ee ku jira aynu ALLE ugu mahadnaqno . Inta kale ee aynu ka
gaabinay iyo dembiyada inaga dhacyna aynu ALLE ka barino inuu inaga
dhaafo. Kuna dedaalno inaynu isku deyno inaga oo ALLE talo-saaranayna in
beri-tadeenu ay ka wanaagsanaato maanta-deena.
Gunaanadka maqaalkan waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada
duceeyo walaalaheena Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA
dambi dhaaf loo weydiiyo intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan
fursad u helin inay ka qeyb qaataan bishan barakaysan.

F.G
Su’aalaha uu qofkastaa is- weydiinayo wax ay ku xidhan tahay kolba heerka
uu taagan yahay qofkaasi.

Maqaalkan oo ah qormadii labaad ee bisha Ramaddan waxaynu ku soo
qaadan doonaa qodobka la magac baxay sabirka , dulqaadka iyo cafinta.
Waxa xusid mudan in qodobkan , qodobka mahadnaqa iyo qodobka
toddobaad ay yihiin furaha qodobada kale.
Culimada Islaamkuna waxay yidhaahdaan : Diintu waxay ku dhisan tahay
laba : sabir iyo mahadnaq. Haddaynu qiimeyno xaaladaha aynu ku sugan
nahay markasta waxa aynu doonaa arki doonaa inay ku wareegaan labadan.
Tusaale kooban oo labadoo-duba ka muuqdaan ayaa ah in ALLE inaga
yeelay kuwa soomaya bishan. Taas oo inooga baahan inaynu ugu
mahadnaqno. Haddii aynu helnay fursadaasna waa inaynu la nimaadnaa
ka-sabrid iyo ku-sabrid arrimo kala duwan.
Sidaas awgeed qodob-kasta oo aynu soo qaadanay ama soo qaadan doono ,
waxa ku jiri doona labadan.

2- SABIRKA ,DULQAADKA IYO CAFINTA.
Fadliga sabirka haddaynu ka hadalno , waxa uu sabab u noqon doonaa
inaynu ku helayno hiilka ALLE
( Al BAQARA 153) iyo jacaylka uu ina jeclaanayo
(AL CIMRAN 146). Sabirku waa saddex : ku sabrida waxa EEBE ina faray ,
ka sabrida iyo ka dheeraanshaha xumaanta uu inaga reebay , iyo ku sabrida
qadarkiisa.

 Sabirka
Bisha Ramaadan magacyada loo yaqaano waxa ka mid ah bisha sabirka.
Bisha Ramadan waxa ku jira sabir cusub oo ah in qofku ALLE dartii uu uga
dheeraanayo kana sabrayo waxyaabaha ay naftiisu xiiseyso sida galmada iyo
kuwa aanu ka maarmi karayn sida cunnada iyo cabitaanka.
Sabirka bisha Rammaddan waxa loo kala bixiyaa : sabirka maalintiisa (
soomka ) iyo sabirka habeenkiisa ( salaadaha iyo wax-kasta oo lagu
nooleynayo habeenada Ramadanta).
Sidoo kale waxa muhiim ah ka-sabrida arrimaha ay naftu jeceshahay inay
wakhtigeeda ku qaadato sida hadalka badan ee aan faa’idada lahayn ee uu
ku jiro muranku , akhrinta iyo daawashada waxkasta oo aan faa’ido u lahayn
soomkiisa iyo aakhiradiisa. Si kooban haddaynu u sheegno waa : ka sabrida
waxkasta oo soomkeena wax u dhimaya , kuna dedaalno ku sabrida la
imaanshaha waxkasta oo Rammaddan-teena suubinaya.

 Dulqaadka.
Qofka sooman bisha Rammaddan waxa looga baahan yahay inuu u yeesho
dulqaad dhibaato kasta oo soo gaadha inta lagu guda jiro xilliga soomka.
Waxa dhici karta in xilliga soomka ay dhacdo in lagu xad-gudbo la caayo , la
xanto , IWM. Waxaana loo baahan yahay inuu kaga jawaabo dulqaad , cida
ku xad-gudubtana kula taliyo in ay ka dheeraadaan dhaqankan soomkooda
dhibaateynaya hadduu awoodo , haddi kalena ugu duceeyo inuu ALLE soo

hadeeyo. Isaga oo labadaas mid-ka uu la yimaado ajar ku leh.
Casharada aynu ka baran karno dulqaadka aynu kaga jawaabayno
khaladaadka inaga soo gaadha bulshada waxa ka mid ah in uu sabab u
noqon karo maareynta iyo kordhinta awooda aynu u leenahay xakamaynta
iyo qarinta cadhadeena.

 Cafinta
Waxa jira dadka qaar oo dulqaad la iman kara si ay soomkooda u ilaaliyaan.
Balse qalbiga ka cadheysan. Sidaas darteed waxa aynu ku dhiirigalinaynaa
inay cafiyaan cida khalad ka gashay. Waayo sida ku cad suurada (AL NUUR
22) :
ALLE wuxuu ina leeyahay miyay-daan jecleyn in ALLE idiin dembi-dhaafo ?
Hadaad jeceshihiin in ALLE idiin dembi-dhaafo , idinku isku dembi dhaafa
oo is-cafiya , idinka oo ku dayanaya ALLAHIINA dembi-dhaafka iyo
naxariista badan.
Sidaas darteed cafinta cida khalad inaga gasha bishan ay fadligeeda ka mid
yihiin dembi-dhaafka iyo iska xoreynta naartu, waa arrin aad u qiimo
badan . Sidoo kale waxa xusid mudan cafinta aynu ka hadlaynaa kuma
koobna khaladaad-ka inaga soo gaadha bulshada keliya inta lagu gudo jiro
bisha Ramadan, balse waxa ku jira ilaa kuwii ka horeeyay.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka iman kara qodobkan ee aynu habeenkii is weydiin karno waxa
ka mid ah :
Su’aalaha Sabirka
 Ma ka dheeraday ( ka sabray ) murankii iyo hadaladii aan wax tarka
lahayn bishan Rammaddan?
 Ma ka dheeraaday akhrinta iyo daawashada waxkasta oo aan faa’ido ii
lahayn Rammaddan iyo mid Adduunyo ba? Tusaale guud : ku qaadashada
wakhti badan baraha bulshada ama goobaha la is-kugu yimaado.
 Waa sidee sabirka aan u leeyahay la yimaanshaha wax-kasta oo sabab u
ah suubinta iyo wanaajinta Rammaddantayda?
( Waa Su’aal guud oo sabirka ah) Si aad uga jawaabto su’aashan dib u eeg
sida aad uga jawaabtay su’aalaha qodobada kale , dabadeeto qiyaas inaad
gaabis ku jirto iyo inaad sidaad qorsheysatay ku socoto. Tusaale su’aalahii
ku jiray ( ALLE -KA CABSIGA ee ay ka mid-ka ahaayeen ilaalinta salaadaha


Click to View FlipBook Version